Maalgashiga Warshadaha Dalka Oo Kusoo Kordhiyey Shaqo Abuur Shaqaalewaxsoosaar Tayo Wanaagsan Koboc Dhaqaale

0
Monday April 29, 2019 - 19:21:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1741
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maalgashiga Warshadaha Dalka Oo Kusoo Kordhiyey Shaqo Abuur Shaqaalewaxsoosaar Tayo Wanaagsan Koboc Dhaqaale

    Maalgashiga warshadaha dalku waxay horseedeen shaqo abuur kobcin dhaqaale waxsoosaar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalgashiga warshadaha dalku waxay horseedeen shaqo abuur kobcin dhaqaale waxsoosaar tayo lehoo lagaga maarmay badeecadihii dibada inooga iman jiray iyo lacagtii adkayd ee dalka ka bixi jirtay


Sharaabka dalka oo la ogaaday inuu ka tayo wanaagsan yahay sharaabka dalka dibada uga yimaada cimilada fayadhowr keydinta dajinta dhoofka

iyadoo muwaadininta maalgashaday warshadaha sharaabka dalka ay ku soo kordhiyeen dalka waxsoosar dhaqaale abuur iyo shaqo abuur hor leh



Sharaabka marka uu waqtigiisa isticmaal dhaco looma baahna in lagu daadiyo goobaha qashin qubka ee bariga magaalada sida dhawaan sharaabka isku filan lagu daadiyeygoobta qashin qubka caasimada


Digniin fayadhowr dhamaan ganacsatada caasimada hargeisa waa dambi in lagu daadiyo sharaab ay mudadiisa isticmaal 20 days u hadhay waa in lagu wareejiyaa laamaha fayadhowrka dawliga ah sida sharciga fayadhowrku qoraayo ama qeexayo

Sharaabka waa in had iyo goor lagu ilaaliya qaboojiye ama cimilo heerkul degen si aanu ugu iman isbadal tayo sharaab sidoo kale waa in aan lagu tuurin goobaha deegaanka bulshada marka uu xumaado ama uu dhaco taariikhdiisa isticmaalwaa in loo gudbiyaa laamaha fayadhowrka dawliga si loo gubo


sharaabka dalka oo ka tayo wanaag san

Sharaabku waa caabitaan aynu u baahanahay waqti kastasharaabku waqtiyadii hore waxa uu inooga iman jiray dalalka dibada halka manta ay maalgashadeen company Somaliland u dhashay oo ka hir galiyey dalka warshado waxsoosaarka sharaabka sida warshashada zamzam foster ilo tango spi trading co iyagoo kor qaaday dhaqaalihii dalka dibada uga bixi jirayiyo shaqo abuur ay ka hir galiyeenshaqo la aanta baahsan ee ka jirta dalka


Sharaabka iyo xaaladiisa fayadhowr xiliga bisha barakaysan ee rabadaan sharaabka dibada ka yimaada iyo xaaladiisa fayadhowr iyo shuurudaha caafimaad ee looga baahan yahay maadama sharaabka aad aynu u isticmaalo bisha rabadaan

Shaaabka dibada laga keeno oo runtii mushkalado nadan u soo wajaho sida burbur conteners lagu soo qaadayo oo aan lahayn qaboojiyo ku ilaalintawaqtiga keydinta dajinta xaaladkisa fayadhowr ee looga baahan yahay in lagu ilaaliyo iyado sidoo kale sharaabka oo taarikhdiisa isticmaal ay dhowdahay la soo galiyo gobolada dalka ha noqdo mid ku raaga goobaha dekedaha dalka


Waxaad arkaysaa marka ay taarikhdiisa ay ka hadhay 6 bilood iyadoo lagu xaraashay goob suuqa dhexdiisa oo bacadyaal ah taasi waa nidaam khilaafsan sharciga fayodhowrka ee aalinta dhowrida cuntooyinka iyo cabida

Sharaabku waxa uu had iyo goor u baahan yahay in lagu ilaaliyo xaalad cimilodegan kulalka badan ee sharabku soo maro waxay ku keenaysa sidadhadhanka sharaabka oo is badalaweelka sharabku ku jiro oo foc ku yimaado etc waxa loo bahan yahay sidoo kale in cadayntisa warqada caafimad ee sharaabku marka uu kasoo dagayo dakada dalka uu saxsanyahay


Sidoo kale waa in la soo mariya goobaha baadhistadekadaha dalka marka uu soo dagayo

Sharaabka warshadaha dalka iyo xaaladisa fayadhowr

Sharabka ay soo saaran warshadaha wax soosar ee dalka runti kuma arkaysid waxyaabo isbadal ah taasay sabab u tahay isagoon soo marin wado socdaal oo dheer aynan soo wajahinku ilaalin la an shuruucda looga bahan yahay fayadhowrka sharaabka sharabkan warshadaha dalka oo ay dalka ka hir galiyeen ganacsato muwaadinin ah markay eegen dhaqaalaha badan ee dalka dibada uga baxaya


Markay eegen xaalada dhibta cimilaayinka badan ee uu soo wajahayo sharaabka dibada waxay door bideenin ay dalka ka hirgaliyan warshado waxsoosar sharaab

Warshada sharabka ilo tango

Warshada sharaabka ee spi


WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan

Fayo-dhawre madax bannaan

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...