Wasaarada Ganacsiga Soomaaliya Oo Dib U Eegis Ku Samaynaysa Qorshihii 2020

0
Sunday January 03, 2021 - 08:59:59 in News by
  • Visits: 706
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaarada Ganacsiga Soomaaliya Oo Dib U Eegis Ku Samaynaysa Qorshihii 2020

    Wasaarada Ganacsiga Soomaaliya Oo Dib U Eegis Ku Samaynaysa Qorshihii 2020

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaarada Ganacsiga Soomaaliya Oo Dib U Eegis Ku Samaynaysa Qorshihii 2020

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Khaliif Cabdi Cumar oo maanta guddoominaayey shirkii toddobaadlaha ahaa ee Wasaaradda, ayaa waxa dib-u-eegis lagu sameeyey qorshahii Wasaaradda ee sannadkii hore 2020, waxyaabahii qabsoomay, kuwa aan hir-gelin iyo weli ba sidoo kale qorshaha sanadkan cusub 2021ka ee horyaala Wasaaradda.



Wasaaradda, ayaa sannadkii hore ku guuleysatay qorsheyaashii hor-tebinta u lahaa oo ay ka mid ahaayeen qaar ka mid ah shuruucdii iyo siyaasadihii kala duwanaa ee lagu fududeynaayey Ganacsiga oo la sameeyey, barnaamijyada fududeynta ganacsiga, dhiiri-gelinta maal-gashiga, raadinta suuqyo cusub oo Ganacsi, mashaariicda lagu horumarinayo ganacsiga, horumarinta Warshadaha iyo weli ba sidoo kale na kor-u-qaadista awooda shaqo ee shaqaalaha Wasaaradda oo iyada na loo sameeyey tobabaro kala duwan kuwaas oo wax weyn ka badalay guud ahaan Wasaaradda.


Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md. Khaliif Cabdi Cumar oo muddaddii uu joogay ay wax badan qabsoomeen sidoo kale na dar-dar-gelin xoog ah geliyey hawlaha shaqo ee Wasaaradda gaar ahaan dib-u-habeynta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, ayaa hawl-wadeenada kala duwan ee Wasaaradda ku ammaanay dedaalkii ay sameeyeen sannadkii hore, waxaana uu kula dar-daarmay in sannadkana kor loo qaado siddii loo xaqiijin lahaa gaadhista Yoolalka sannadka 2021ka ee ay hiigsanayso Wasaaraddu kuwaas oo ay ku jiraan qorsheyaal muhiim u ah fududeynta iyo horumarka ganacsiga iyo weli ba dhiiri-gelinta Maal-gashiga Soomaaliya.

Image may contain: 1 person


Loading...
Loading...