Muuse Biixi Oo Hadal Naxli Iyo Kala Qaybin Abuurray Bulshadda Ku Dhex-tuurray Iyo Fal-celinta Mucaaridka

0
Saturday January 02, 2021 - 15:36:18 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1884
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Hadal Naxli Iyo Kala Qaybin Abuurray Bulshadda Ku Dhex-tuurray Iyo Fal-celinta Mucaaridka

    Muuse Biixi Oo Hadal Naxli Iyo Kala Qaybin Abuurray Bulshadda Ku Dhex-tuurray Iyo Fal-celinta Mucaaridka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Hadal Naxli Iyo Kala Qaybin Abuurray Bulshadda Ku Dhex-tuurray Iyo Fal-celinta Mucaaridka

Hargeisa(HWN):-Horta hoggaamiyaha fiican ee wax fahmaaya waxaad ka garataa hadalkiisa iyo sida uu faggaarayaasha markuu taaggan uu shacabkiisa ula hadlo, taasoo kuu muujinaysa hab fekerkiisu halka uu taagan yahay, waxaanna iska cad oo shacabka reer Somaliland ka wada dheregsan yihiin in maalinkasta oo uu hadlo Muuse Biixi Cabdi ay ka hadhaan Boqolaal ka mid ahaa taageerayaashiisii, kuwaasoo salluug iyo cadho ka qaadda Hadalladiisa Naxliga iyo kala qaybinta u badan ee uu had iyo goorraale ku tirraabo.


DAAWO VIDEO: Guddoomiye Cirro: ''Muuse Biixi Somaliland xoog kumuusan qabsan, kumana sii haysan karo''! – HalQaran.com
Muuse Biixi waxa uu sheegay in doorashaddii Madaxtinnimada ee uu ku guulaystay ay tartameen reero, isla markaanna uu guulaystay reerkii uu Odayga u ahaa, hadalkaas oo baddiba bulshadda reer Somaliland ka biyo-diidday, isla markaanna ay ku sifeeyeen hadallo uu bulshadda ku kala qaybinnaayo Muuse Biixi, kuwaasoo uu ku abuurraayo Cunfi siyaasaddeed iyo in ay sii xooggaysato Qabyaaladdu oo bulshaddu sii kala irdhawdo.

Hadalka Muuse Biixi uu ka jeeddiyay deegaanka Agabar ayaa waxa uu ku sheegtay in Qoladda uu Odayga u yahay ay ku adkaatay Doorashaddii Madaxtooyadda ee sanadkii 2017-kii, isagoo si cad u sheegay inay doorashaddaas ku guulaysteen Qoladii uu Odayga u ahaa, taasoo ah fool-xumo wayn in ruux darajaddaas jooggaa uu meel faggaare ah ka yidhaahdo reerkaygii baa guulaystay, waa ceeb, waanna wax bulshadda iska horkeeni karta, waayo doorashaddaas iyo doorasho kastaba waxa ku tartama Xisbi qaran ee kuma loolamaan reerro iyo qabiillo toonna.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo ka hadlaayay hadalka uu Muuse Biixi bulshadda ku soo dhex-tuurray, waxaa uu ku tilmaamay Nasiib-daro wayn oo dhacday, waxaannu iswaydiiyay in Muuse Biixi uu Madaxweynenimadii ka doortay Beel-daajiye reerkoodda ah, hadalkaas oo uu uga jeeddo hoos baan uga dhacday halkii aad joogtay iyo wixii lagaa fillaayay-ba

Si kastaba ha ahaatee Muuse Biixi waxa uu u baahan yahay in la siiyo Casharro ku saabsan habka khudbaddaha loo jeeddiyo iyo in loo sameeyo dad Aqoon iyo Xirfad sarre u leh sida loo diyaarriyo khudbaddaha.

Loading...
Loading...