Maxaad Kataqaan Wasaaraddaha Aan Badhitaan Lagu Samayn Xisaab Xidhkii Miisaniyaddii Sannadihii 2018-2019 Ee Musuq-Maasuqu Dhacay ?

0
Saturday January 02, 2021 - 13:27:35 in News by
  • Visits: 1520
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Kataqaan Wasaaraddaha Aan Badhitaan Lagu Samayn Xisaab Xidhkii Miisaniyaddii Sannadihii 2018-2019 Ee Musuq-Maasuqu Dhacay ?

    Maxaad Kataqaan Wasaaraddaha Aan Badhitaan Lagu Samayn Xisaab Xidhkii Miisaniyaddii Sannadihii 2018-2019 Ee Musuq-Maasuqu Dhacay ?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaad Kataqaan Wasaaraddaha Aan Badhitaan Lagu Samayn Xisaab Xidhkii Miisaniyaddii Sannadihii 2018-2019 Ee Musuq-Maasuqu Dhacay ?


Hargeysa(HWN):-Guddida daba galka iyo ilaalinta hantida Qaranka ee golaha wakiillada Somaliland, ayaa soo bandhigay eedo musuq maasuq oo ay sheegeen in ay dul hoganayaan wasaaraddo iyo laamo ka mida hay’addaha dawladda, waxaanay eedahaas ay soo jeediyeen guddidu ay ahayeen kuwo ku taariikheysan 2018 iyo 2019-ka, kuwaas oo ay kamid ahayeen 7 Wasaaraddood oo kamid ah Wasaaradda Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo lagu eedeeyey musuq-maasuq iyo maamul xumo, balse dhawr iyo toban kamid ah Wasaaraddaha dalka ugu waa weyn ayaan ka dhex-muuqan xisaab xidhkaas.

Madaxweyne Biixi Oo U Caddeeyey Mowqifkiisa Hirdanka Saylici Iyo Saajin Ergo Ka Socotay Beesha Madaxweyne Kuxigeenka Oo U Tegtay. | Berberatoday.com


Guddida dabagalka iyo ilaalinta hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada ayaa soo bandhigay war-bixin arrintaas ka hadlaysa,waxaana qoraalkaas oo dheeraa akhriyey xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi Siraadlle waxaanu yidhi: "Waxaa aanu halkan idiinku soo gudbinayna warbixin iyo talo soo jeedin ka dhalatay faaqidaad iyo dabagal aanu ku sameynay natiijada baadhista ee Hanti Dhawraha guud ee ku xusan buugagga xisaab xidhka dawladda ee miisaaniyadihii 2018-2019 ee uu golaha wakiillada u soo gudbiyay isla Hanti Dhawrka guud ee Qaranku, Xisaab xidhkan waxaa isku duba riday xisaabiyaha guud ee Qaranka, hanti dhawrka guud ee Qarankuna uu baadhitaan ku sameeyay kuna soo lifaaqay aragtidiisa Mudanayaal asbaabaha keenay in guddida dabagalka iyo illaalinta hantida Qaranku diyaariso warbixin midaysan oo ku saabsan labadan xisaab xidh ee 2018-2019 waxaa ka mid ah..” Ayuu yidhi Guddoomiyaha guddida dabagalka hanta Qaranka ee Golaha Wakiilladu.


Geesta kalene War-bixinta hanti dhawrka uu soo saaray ee uu golaha Wakiilladda la wadaagay, ayaa lagu sheegay in Wasaaraddahan iyo Hay’addahan ay ku kaceen Musuq-maasuq xisaab xidhadii sannadihii 2018-kii iyo 2019-kii, kuwaas oo ay kamid yihiin Wasaaradda War-faafinta , Wasaaradda Gaashaandhiga Madbacadda Qaranka, halka Wasaaradda Maaliyadda iyo arrimaha debadda lagu tilmaamay maamul xumo inay ku habsatay,sidoo kale war-bixintaa ayaa lagu tilmaamay magacyadda Hay’addo iyo Wasaaraddu sharciga beelmarsan.


Dhanka kalene waxa aan ka dhex-muuqan baadhitaanka uu hanti dhawraha qaranku ku sameeyey xisaab xidhkaa sannadihii 2018-kii iyo 2019-kii, Wasaaraddo iyo Hay’addo kamid ah kuwa Dowladda ee ugu tunka weyn, kuwaas oo ay kamid yihiin kuwan Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Wasaaradda Shaqadda, Wasaaradda arrimaha Bulshada, Wasaaradda Gaadiidka iyo Jidadka, Wasaaradda Biyaha, Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Deegaanka, Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarta, Wasaaradda Macdanta iyo tamarta Hay’adda Dhawrista Tayadda iyo Xafiiska Madaxtooyadda

Loading...
Loading...