Isbadelada Ku Yimid Gobolka Geeska Africa 10kii Sanadood Ee La Soo Dhaafay Oo Noqday Qaar Aan La Fileyn !!
W/Q: Mohamed Abdi Jama
Waxa aan aad ula socdaa siyaasada Gobolka Geeska Africa guud ahaan
,waliba tobankii sanadood ee ugu dambeeyey , waxaa is badelay wax weyn
oo marka aad eegto halkii la taagnaa 2010/11 iyo saadaashii xiligaasi
siyaasada gobolku lahayd iyo halka maanta la joogo.
Gobolka Geeska Africa waxa ka jirey nidaam isku wada xidhan oo ay
siyaasada Addis Ababa ugu Xoog weynayd uguna saameyn badnayd marka aad
eegto dhinacwalba, Somalia xiligaasi waxa salka uun loo dhigayey nidaam
dawladeed oo ku meelgaadh ah .
Dhinaca fur-furnaanta, dimuqaradiyada, doorashooyinka iyo koboc
dawladnimo rajo mustaqbal oo wanaagsan yeelan karaysay Gobolka waxa ka
baxayey shamac kaliya oo Somaliland buu ahaa, kaasi oo aduunku tusaale
ka dhigtay guud ahaan Africa iyo gobolkaba loogu soo qaato xaga
doorashooyinka yagleelka dawladnimo laga soo bilaabay dadka oo wada
hubaysan ilaa qof iyo cod soo gaadhay.
Dawladaha Djibouti , Erateria , Sudan iyo Ethiopia iyaga nidaamyo
gaamuray baa haystay oo xataa lagama rajo qabin 10 sanadood iyo in ka
badan in wax iska badeli karaan amaba nidaamyadii xooganaa kuwii ugu
waaweynaa meesha ka bixi karaan.
MAXAA DHACAY EE IS BADELAY 10 KA SANADOOD GUDAHOOGA GOBOLKA GEESKA AFRICA ?
Somaliland wax ba badani iskama badelin xaga nidaamka siyaasadeed ee
dalka , doorashooyin badan oo la filayey na ma qabsoomin, laakiin sida
kale dalku wuu socday oo horumar waa jiraa dhaliisha uu doono ha lahaado
e wax badana waa is badeleen mid dawladeed iyo mid shacbiba , hadii
laga tegi waayo hal qodob ayaa jira oo ku cusbaa 10 kaa sanadood;
1- Waxa weeyaan wadahadaladii jamhuuriyada Somaliland iyo
jamhuuriyada federalka Somalia ee bilaabmay sanadkii 2012 kii oo ilaa
hadda aan midho dhal aheyn.
Somalia waxa ay sameysay horumar balaadhan oo ilaa xad ah mid lagu
bogaadiyo marka aad eegto dawlad ku meelgaadh ah ilaa dawlad caalamku
aqoonsan yahay doorashooyin la isku haysto oo ay doodo sharci iyo qaar
doorashooyin socdaan , walow xaga amniga guud aanu dawlada gacanta ugu
jirin dhibtiina aanay wali ka joogsan iyo weeraradii argagixusadu.
Ethiopia waxa laba sanadood ka hor kacdoon shacab iyo dadka Ethiopia
qoomiyada ugu badan oo gadooday keenay isbadel aan hore loo saadaalin oo
gaadhay heer siyaasadii mandaqada iyo xaaladii gobolku is badesho,
waxa is badelay wax weyn oo saameyntiisa muuqata leh , walow uu hada u
muuqdo mid xaga dambe ka xagal daacaya, hadana waxa laga xusi karaa
laba arin oo waaweyn;
1- Nidaamkii siyaasadeed ee EPRDF oo uu gadhwadeenka ka ahaayeen jabhadii TPLF ayaa meesha ka baxay si lama filaan ah .
2- Waxa heshiis dhex maray wadamada Erateria iyo Ethiopia oo uu
dagaal lagu hoobtay ka jiray xuduudka labada dal halkaasi oo ahayd marka
laga reebo xaalada Somalia halkii kale ee ugu darnayd Gobolka Geeska
Africa oo werwerka ku haysay aduunka iyo Africa ba .
Sudan waxa ka dhacay laba is badel oo khariirad ahaan iyo siyaasad
ahaanba wax uga badelay 10 ka sanadood ee la soo dhaafay, waxaana ay
kala yihiin ;
1- waxa dalka Sudan kala noqday laba dal South Sudan iyo Sudan
sanadkii 2012kii oo waxaa wax ka badelmeen khariirad ahaan dalkii sudan.
2- Waxa meesha ka baxay nidaamkii siyaasadeed ee kacaanka ahaa ee uu
hogaaminayey Omer Albashiir kacdoon dadweyne dartii oo dhiig badani ku
daatay kaasi oo aan aheyn mid la filayey.
Djibouti iyo Erateria waxba iskama badelin dalalkooda maamulkoodii
walow guuxa dimuqaradiyad doonku jiro hadana hada waxba muuqdaan
isbadelo ahi walow aan la saadaalin karin oo aduunku aanu sidii hore
aheyn sidoo kale dadka Gobolka ku noolina ay ogaadeen awooda shacabka
iyo sida ay wax u badeli karto.
HALKEE GOBOLKU HADA XAALADIHIISU MARAYAAN ?
Marka aad eegto xaaladaha guud ee Gobolka horta nabadgalyo waa jirtaa
walow aanay aheyn mid cago adag ku taagan oo ay si dhibyar faraha uga
bixi karto marka aad eegto duruufaha dalwalba gudihiisa ka taagan iyo
damaca siyaasadeed ee la isku haysto.
Dagaaladii argagixisadu wali ma dhamaan oo waxba kuma aha hadii
amaanku liico in uu Gobolku noqdo xarun iyo hoy argagixisada caalamiga
ahi ka duusho oo dunida kalena khatar gaadhsiin kara.
Waxa jira xasilooni la'aan siyaasadeed , dagaalka nooca loo yaqaan
xarbul wakaala ( proxy war ) oo guud ahaan Gobolka saameyn ku leh ay
keentay hirdanada iyo loolanada dawladaha iyo siyaasiyiinta ee danaha ku
fadhiya kaasi oo isaguna werwerkiisa leh
Gobolka Geeska Africa waxa ku soo fool leh doorashooyin sanadaha
2021/2022 oo ka jira Somaliland, Somalia, Djibouti, Ethiopia iyo
Sudan kuwaasi oo iyaguna yeelan kara saameyno iyo saadaalo ka duwan waxa
guud ahaan Gobolka ka jira hadda.
MAXAA IMAN KARA MUSTAQBALKA DHOW IYO KA FOGBA ?
Maadaama ay isbadeladii hore ee 10kaa sanadood gudahoogu noqdeen ama
ahaayeen qaar aan la fileyn waxaa laga yaabaa in ay dhacaan isbadelo
kale oo aan maanta laga sii dareen qabin hadii aan isku dayo
saadaashayda;
1- Somalia waxa aan is leeyahay rajo wanaagsan bay leedahay waayo
waxa ku raagtay dhibta, dagaalada , qaraxyada iyo wax badan oo dib u
dhigey, intaasi marka lagu daro jiilka maanta kacay ee isweydiinaya ma
sidan baan ku jireynaa? Halkee u socotaa Somalia? Sidii loo heli karaa
dawladnimo dhab ah iwm waxa ay isweydiinta badani keentaa in xalka la
helo oo halkaasi hore looga dhaqaaqo, waxaana suuragal noqon kara in ay
dawlad adagi ka dhalato mustaqbalka.
2- Somaliland hadii Somalia adkaato laba mid ba way u yaalaan ama way
iman karaan ; b)- in xal loo helo qadiyada jamhuuriyada Somaliland iyo
jamhuuriyada federalka Somalia t)- In koboca iyo koriinka Somalia uu
Somaliland ku keeno culeys oo mustaqbalka sida lagu kala baxayaa adkaato
ama ay keento culeys iyo dagaalo.
3- Ethiopia waxa ay u soo muuqataa in aan lagu maamuli karayn
nidaamkii dimuqaradiyadeed ee uu watay Dr Abiy Ahmed waxaana laga yaabaa
in habkii ( Autocracy) ga ahaa ee EPRDF lagu celin doono, maadaama ay
jiraan guux gobol walba iyo qoomiyad waliba qabto oo abuuri kara in
dagaalo sokeeye oo badani dhacaan taasi oo halis ku ah Ethiopia iyo guud
ahaan Gobolka Geeska Africa.
4- Sudan waxa laga yaabaa hadii qolada kumeelgaadhka ahi ay kursiga
sii jeclaystaan oo ay doorashooyin dhici waayaan in ay soo noqdaan
kacdoonadii shacabku oo uu dalkaasi dib u galo xaalado murug siyaasadeed
ah.
5- Djibouti waxa markii 5naad soo istaagay Madaxwayne Geelle oo hadii
uu ku guuleysto ka mid noqonaya madaxda Africa ugu cimriga dheer xaga
talada isaga oo hada jooga 21 sanadood, walow aanu muuqan mucaarid
adagi hadana lama saadaalin karo mustaqbalka dalkaasi waxaana suuragal
ah in wax badani is badali karaan si lama filaan ah.
6- Erateria iyada lafteeda waa sida Djibouti oo in badan ayey dadka
reer Erateria dunida u yaacayeen markay cabudhaan in iyaga oo wada
cabaysan ay soo noqdaan oo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed dalkaasi ka
bilaabmaan waa wax iman kara 80%.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...