Cabdikariim Xinif Oo Qawlkii Muuse Biixi U Raadinaya Qiil Uu Ku Xalaaleeyo Iyo Fasiraad Uu Ka Bixiyey

0
Friday January 01, 2021 - 15:32:25 in News by
  • Visits: 2819
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Cabdikariim Xinif Oo Qawlkii Muuse Biixi U Raadinaya Qiil Uu Ku Xalaaleeyo Iyo Fasiraad Uu Ka Bixiyey

    Cabdikariim Xinif Oo Qawlkii Muuse Biixi U Raadinaya Qiil Uu Ku Xalaaleeyo Iyo Fasiraad Uu Ka Bixiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdikariim Xinif Oo Qawlkii Muuse Biixi U Raadinaya Qiil Uu Ku Xalaaleeyo Iyo Fasiraad Uu Ka Bixiyey



Hargeysa(HWN):-Abdikariin Xinif, ayaa yidhi sidan, isaga oo ka jawaabaya hadallo Masuuliyiin Waddaninka tirsani ku dureen Khudbadii Madaxweynaha ee Agabar  "Afsoomaaliga ninka yaqaanna, dhaqanka yaqaanna, suugaanta yaqaanna, siyaasiga ah, sida walaalkay Cabdillaahi Geeljire ee haddana si khaldan u tarjumaa waa ka badheedh iyo wax aan isagoo kale looga fadhiyin, waxa kale oo ka mid ah dadka sida khaldan u tarjumey xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Khadar, isagase hadalkaygani ma khuseeeyo oo luqadda, madasha siyaasadda iyo xisbiyada ayay isku cusub yihiin , laakiin dhallinyarada sida aan saxda ahayn u dhigta ama u fahantaa, waa duruufaha samanka iyo waqtigu iska wataan oo ku tiigaal ma laha.


Waxaan dhegaystey khudbad uu akhriyayey Cabdillaahi oo uu kaga hadlayayey khudbad madaxweynuhu ka jeediyey meel aan filayo inay Degmada AGABAR ahayd.
Image may contain: 1 person


Cabdillaahi isagoo naqdiyaya hadalka madaxweynaha qayb ka mid ah waxa uu yidhi "madaxweynuhu waxa uu yidhi haddaynnu beesheenna guulaysatey ee aan odayga u ahay nahay".

Waxaan raadiyey helay oo dhegaystey khudbaddii madaxweynaha anigoo is leh madaxweynuhu hadduu hadalkan yidhi waaba wax kale waanan helay, waxaa iiga soo baxday kelmeddan "qoladeennii guulaysatey ee aan odayga u ahay" hadda maaha beesheenna guulaysatey.

Afsoomaaliga ninka in uun wax ka yaqaannaa wuu kala garanayaa macnayaasha ay kala leeyihiin BEEL, REER, & QOLO.

1. BEEL: aan ugu horraysiiyo waxa ka mid ah macnayaasheeda, dad meel aan magaalo ahayn oo miyi ah wada deggan, waxaa loo isticmaalaa Beesha halkaa deggan mana aha dad isku qabiil Keliya ah.

Waxa kale oo ka mid ah isla taas mid ku dhow oo ah beel aan markii hore meesha degganayn hase yeeshee geeddi ku timi ama roob ha ugu soo guuraan ama colaad ha ugu soo guuraane, marka roob loogu soo guuro waxay noqdaan dad abtirsiimo kala duwan leh laakiin uu isu keenay roobka da'ay, waxa kale oo la yidhaahdaa Udub baa ku dhacay halkaa haddiise colaad ay ka soo guureen badanaa waa dad isku abtirsiimo ah la isuna aaneeyo dhaqan iyo dhiigna ka dhexeeyo.

Waxa kale oo Beel loo isticmaalaa luqadda abwaannada ayaa u badane Umad ama Qaran.

2. REER. inta badan waxa loo Isticmaalaa qoys, qabiil, heerka uu doono ha hoos ha u gaadhsiisnaadee.

3. QOLO. Marka ardaaga qabiilka laga hadlayo waa qabiil iyo reer gaar ah.

Markase luqadda siyaasdda lagu Hadlayo oo ah tan uu madaxwenuhu isticmaalay Goob ahaan, luqad ahaan iyo dhaqan ahaanba, wax shaqo ah kuma laha qabiil meelna kama soo gasho qofka ku macneeyaana waa qof is yeelyeelaya ama aqoon darro afka Soomaaliga ahi haysato.

Miyaynaan odhan, qoladeenna KULMIYE, Qoladeenna WADDANI, Qoladeenna odayaasha ahi, qoladeenna haweenka ah, qolada dhallinyarada ah, qolada dawladda, qolada beeraleyda ah, qolada xoolo dhaqtada ah, Qoladiinna dhakhaatiirta ah, Qolada reer ETHIOPIA, qolada Reer KENYA,qolada Reer DJIBOUTI.

Ma been baa in aynnu kala nahay Qolada KULMIYE iyo Qolada WADDANI oo la macno ah XISBIGA KULMIYE Xibiga WADDANI.

Miyaynaanaan doodaha ku isticmaalin qoladayada xisbi hebel waxaannu aaminsannahay, qolada ma reero ayaynnu uga jeednaa.
Afsoomaaliga yaan dhallinyarada laga macno dilin oo luuqaddooda loo dhadhan xumayn weliba raggeenna waaweyn ee aan laga filayn.
Haa doorashada qolo KULMIYE la yidhaahdo ayaa ku guulaysatey, qolo WADDANI la yidhaahdaana guuldarrada ayay qaadan weydey muddo laba sannadood ah in la soo dhoweeyaana waa waajib Kulmiye oo uu madaxweynuhh oday u yahay laga rabo, taasi ma been baa.

Ma waxaynnu u macnaynaa Habar Awalbaa Habar Garxejis ka guulaysatey oo Muuse iyo Cirro u odayaal kala ahaayeen, umadda intii kale meeday, Xaggay raaceen, ma danley la kala watay ahaayeen.

Dib isugu noqo saaxiib Cabdillaahi tan oo kale adiga kaa Socon mayso waayo waad ka weyn tahay da' ahaan, aqoon ahaan iyo dhaqan ahaanba.
Waxaad xisbiga Waddani ugu magacaaban tahay Xoghayaha a abaabulka iyo wacyi gelinta, anigu isla bartaa ayaan Kulmiye ugu magacaabanahay."

Loading...
Loading...