Jaamacada Edna Aadan Oo Xaflad Sagootin Ah Uqabatay Macalin Muddo Ka Shaqaynayay Jaamacada SAWIRO.

0
Monday April 29, 2019 - 17:26:01 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2971
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaamacada Edna Aadan Oo Xaflad Sagootin Ah Uqabatay Macalin Muddo Ka Shaqaynayay Jaamacada SAWIRO.

    Hargaysa(HWN) Jaamacadda Caalamiga ah ee Edna Aadan Ayaa Maanta Munaasibad Sagootin ah u samaysay Dr. Daniel Seifu (PhD)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(HWN) Jaamacadda Caalamiga ah ee Edna Aadan Ayaa Maanta Munaasibad Sagootin ah u samaysay Dr. Daniel Seifu (PhD)
Adviser Chancellor and president of the Edna Adan University, Associate professor of Medical Biochemistry, Dean , School of Medicine, College of Health Sciences, Addis Ababa University oo in mudo ah ka shaqaynayay Jaamacada Edna Aadan kaas oo intii uu ka shaqaynayay ku soo kordhiyay Adeegyo Badan oo bulshadu ka Faa’iday.



Munaasibadan balaadhan ee lagu sagootinayay ayaa waxa ka soo qayb-galay maamulka,macalimiinta,ardayda iyo guddoomiyaha Jaamacadda Edna oo dhamaantood ka hadlay kaalintii lama ilawaanka ahayd ee uu kaga jiray Jaamacadda Edna Aadan.


Guddoomiyaha Jaamacadda Caalamiga ah Ee Edna Aadan Maxamed Maxamuud Mixile Boqore ayaa sheegay in dhakhtarkan ay ku xasuusan doonaan wakhtigii badnaa ee ay shaqadda soo wadda wadeen iyo dadaalkii dheer ee uu markasta ugu jira u adeegida dhakhtarka.


"Waxa aynu xafladan u qabanay in aynu ku sagootino Dhakhtar Dr. Daniel Seifu oo in mudo ah inala joogay oo wax badana ka qabtay jaamacadda waana nin ay taariikhdu ay xusi doonto,kolayna waxa aynu ku amaanaynaa kaalinta muuqata ee uu jaamacadda Edna kaga jiray,maantana jaamacadu aad ayay ugu faraxsan tahay in ay munaasibad balaadhan halka ugu qabtaan iyaga oo ku sagootinaya kaalintii uu kaga jiray jaamacaddana waanan ku xasuusan doonaa kolayna waad nagu soo noqon doontaa”.


Dhinaca kale masuuliyiinta jaamacadda Edna ayaa tilmaamay in markasta ay xasuusan doonaanDr. Daniel Seifu dadaalka muuqda ee uu kaga jiray jaamacadda Caalamiga ah ee Edna Aadan.


Dr.Daniel Seifu oo ka hadlay Madasha loogu sameeyay Xaflada Lagu Sagootinayay ayaa cadeeyay in jaamacadda Edna ay tahay jaamacad wanaagsan oo ay joogaan Maamul iyo macalimiin aqoon dheer u Leh kobcinta iyo daryeelida Ardayda Ay Siinayaan Casharadda Caafimaadka.


"Maanta xafladdan aad ii samayseen waxa ay ka markhaati kacaysaa inaad ahaydeen maamul iyo macalimiin wanaagsan oo intii aynu gacanta ku haynay shaqadan,waan idin xasuusan doonaa waxaan ahaan doonaa qof idin xidhiidhiya maanta maynaan kala tagin wakhtiyo badan ayaynu ahayn maamul iyo macalimiin isku duuban oo hadafkooda kaliya ahaa in aynu soo saarno arday xambaarsan cilmi oo gudbina karna waxa aynu barnay.


Dr.Daniel Seifu ayaa amaanay maamulka iyo macalimiinta kaalinta muuqata ee ay kaga jiraan dhiiri galinta iyo kor u qaadista aqoonta iyo waliba kobcinteed. "waxaanan halkan ka amaanaynaa mulkiilaha jaamacadda caalamiga ah Ee Edna Aadan dadaalka ay galisay hirgalinta dhakhtarkan iyo jaamacadda”.


Munaasibadan ayaa ahayd mid si heer sare loo soo agaasimay waxaana ay tani ka turjumaysaa sida jaamacada Edna Aadan heeganka ugu jirto in ay markasta maamuusto Macalimiinteeda wakhtiga badan galiyay jaamacadda.


Hargaysa /Office.
Loading...
Loading...