Somalidii Dibadu Dawladii Way Qaribeeno, Golayaashan dalkeeniyo, Farmaajaa U Daliil Ah.
Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim.[A.S.C.W.R.W.B.],
Tu khaas ahana bahda H/w iyo akhristayaasheeda.
1-Somalidii dibada,Daraasad qaar ku dhmayste,
Dawladaha u horeeye,Dimuqraadiga sheegta,
Doorarba la tijaabiyoo,Dad iyagaa ugu liitayo,
Dameeraad malab saartay,Ka daro dibi dhal.
2-Dibiyo waa hore diid,Duulka koonfur duleeyey,
Dalkii siiyey shisheeye,Dabrayee u nugleeyey,
Damiirka dhaawac ku yaalo,Dad ma aminayan,
Dilaalnimay ku koreeno,Diintuna waa ku qafiif,
3-Dib haw dooran kawaa,Door horayna dageene,
Hadday daarta koraana,Kama soo degayaano,
Golayaashan dalkeeniyo,Farmaajaa u daliil ah,
Doolar iyo diida qabiilka,Docjiifkiinan u yeedha.
4-Dadkan qaar u naxaaya,Dibada geysan caruurton,
Deeqayaan wuxu qaatoon,Damaaciyaynin agoonto,
Danteena guudna ilaasho,Daayinkood ka baqaaya,
Daf weeyaan wadankeene,Inaga rays derderayna.
Ismail Abdillahi Handuleh.AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!