Waxa Uurku Jecel-Yahaa Afku Kaa Xadaa ( Abdi-shotaly).

0
Friday January 01, 2021 - 14:36:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1379
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Waxa Uurku Jecel-Yahaa Afku Kaa Xadaa ( Abdi-shotaly).

    Qore:- Abdi-Shotaly.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:- Abdi-Shotaly.

"Alla doori-yahaw hadalku wuu kaaga darayaaye, dudumoo-yinkoo lala hadlaa damac ma yeeshaane" Horaa loo yidhi  "  Inkatoo la hagaajoo, hu magaalo la saaro, ragga kiisa hagaagsan iyo halyey loogu dhawaaqo, waa halkaad ku ogaydoo, hoori waa iska hoori"  Muwaadin. asakriggii " Raggii ma igaa ka hadhay" Waad la socotaan inuu meel isi soo taagay uu sidiisii cantara-baqashtii uu daadin jirey iyo badhaacintii u caadiga ahayd ka sii daray, ilayn awelba wax roon lagama filayne. Weligii iyo allahii af-kiisa oo wax khayr lihi ka soo baxeen, mar kaste oo uu is yidhaaho wax dheh-ba,waxa ku soo maaxa cudaddii iyo colaaddii uu u qabay " Beesha Garxajis" Allay-lehe waa markaati ma doon, aan geed-na loogu soo gaban. La yaab ma laha oo hore baynu u naqaanay, in aanay cidi ku haysan in uu yahay dhatalaq-laha koowaad ee aduunka jooga. Ambad waa ambad uun. Dadnimo daayoo, duun-yadda wuu ka badsadaa cawska, wax loo dabo fadhiis-tana haba-sheegin, waxa ka noocaas ah wax moodaqna, waa doqon iyo mid ka sii liita, dhuun raac aan maxaad xadaa mooyee aan abdo kale lahayn, ilayn kuwa uu hor ka bacaac-leeyaa ( Waa wasiiro ku sheeg-yada'e), way qaban lahaayeen haday wax dhaamaane, haddii kale meesha bay uga tegi lahaayeen, marka habla-hoodda la caayaayo'e. Ogaw-se waxay weliba sidaas wax ku cunaan magac reer, iyaga oo lagu hor caayaayo caar-kooddii. Waa-se ogayn in ay yihii, calooshoodda u shaqaysta-yaal aan cid kale iyo reer mid-na aan naf u haynin, ee maxay bal kugu metelaan?

 

Kani wuxu yahay kii la yidhi waa " Awr dabar la'aan dhacay" Hooyaddii dhashay waxay soo qaadatay " Madheertii" Maah-maah baa ahayd " Waano dhalan baa ka adag" Miyaa dib loo abuurayaa " Raggii ma adigaa ka hadhay" aqoon waa ka bes, garasho-na illaah-ba goror uguma shubin, cuqdad ku kornimo iyo nacasnimo aan xad lahay-nina debedda uga soo baxaday, uu qarin kari waayey. Bal muxuu ku keenay in uu caayo " Hablaha Garxajis" Oo uu yidhaaho, hadda weliba itaal baaska faan bay ka ahayd waxa naf-taas leh.Ilayn ey kama soo reeryo, oo " Wah-wah" ma daayo daayin abidkii. Intuu is yidhi wax dheh buu la qaaq yidhi " Doorashaddii reero bay noqotay, oo reerka doorashadda laga hello, habla-hoodda lama guursa-naayo" Weli ma idin soo martay anshax xumo ka weyni" Waar miyaanay jirin wax qabtaa? Waxan uu ka hor nac-nac-leeyaa, ee wasiiro ay ku sheegaan, waar qaar ayaan daran, laakiin-se la yaabi maayo, oo mar-kooddi hore-ba wuxu beel walba ka soo xushay mid uu iska wadan karo, oo aan hadal-ba ku sok celin, damiir lahayn ee cad-quudheedka uu u tuuro ugu habradda.

 

Akhristaw, malaha askarigga waxay ahayd in loo bixiyo " Qarda-jeex" Maadaama  uu yahay " Laguma dhaamee dhaqaa" kii ay ilmaadeerka ahaayeen " Waa cabdiraxmaan Sakhraane" isna waa kii " Hablaha Garxajis buugga ka qorey ee lahaa waa " Dhilooyin" Bal adba wax ku sheeg. Horaa loo yidhi " dameero isku halayn, bay hooyadood dabadda uga nuugaane" Sinji xumaanta wuxu isku halay-naayey askarigan jaahilka ah, ee dhego xidhan. Murti baa iyana ahayd " Sakaaro xaar la arkaayo, bay aas-aas-'taaye, Wax uu is yidhaaho qari cuqdadda iyo colaada uu qababa, haday soo dhaaftay raggii, oo uu marayaa habilihii in uu macsharadda uga kala tiriyo. Xikmad soomaaliyeed baa iyana tidhaa " Inkastuu dur-dur iyo dabaal gallo, doofaar abidkii ma daahiro, oo ma door-soomo weliggii" waa run, waxaas oo murti ahi, mid waliba si dhab ah bay u haysataa askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay". Xaal-kiisu waxa uu marayaa hadeer " Nin qoyani biyo iskama dhawro" waayo waad arkaysaan in uu iska biyo-batalaq-sanaayo. Uu calaa- haakadda iyo itaal baaska uu is leeyahay malaha wax baad ku hadashay " Fanaka-cawdu-bilaah" kaas baa qaar weli dhadhaba-yaan, oo doona-yaan in ay dad ka dhigaan, mase suuro gelayso, haddii intii daayeer jirey uu dib u noolaado, waayo tii maskax la odhan jirey baa meesha ka maqan. Waxan ku soo xidhay qoraalkan. Hidaa xumaan iyo maskax la'aan iyo anshax daradda intaas le'eg, waxa ka keenayaa wax kale maaha, ee waa colaadda uu uurka ka buko awgeed. Ismana oga ilayn qof miyir qaba maaha, oo laguma soo dhawaane, Haddii in uun uu dareen leeyahay iyo damiir canaanta, wax qabta, ma waxa uu af-kiisa xun soo marin lahaa " Hablaha Garxajis" Wax guur-sadda. 

 

* N.B Laguma Dhaamee Dhaqaaq.

Qore:- Abdi-Shotaly.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...