Tirada Muhaajiriinta Doomaha Ku Galay Dalka UK Oo Sanadkan Sare Ukacday

0
Friday January 01, 2021 - 14:14:12 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 747
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tirada Muhaajiriinta Doomaha Ku Galay Dalka UK Oo Sanadkan Sare Ukacday

    "Waxaan sii wadeynaa inaan si dhaw ula shaqeyno Faransiiska"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan sii wadeynaa inaan si dhaw ula shaqeyno Faransiiska"

Tirada muhaajiriinta ah ee doomaha ku gaaray UK 2020 ayaa waxay afar goor ka badan yihiin sannadkii ka horreeyay ee 2019-kii.




Ugu yaraan 8,400 oo qof ayay u suurogashay iney u tallaabaan UK 2020, halka 2019-kii ay tirada ahayd 1,844 qof.


In kasta oo heerkulka qabow yahay, haddana 33 tahriibayaal ah ayaa afar doonyood ku gaadhay Boqortooyada Ingiriiska subaxnimadii Khamiista. 23 kale ayaa ka daba baxday galabtii.


Inkastoo 33 qof ay dooni ku gaareen khamiistii, 17 kale ayay maamulka Faransiiska ka hor istaagay inay ka gudbaan.


Ciidamada Xudduudda waxay kaloo ogaadeen 23 qof oo kale oo isku dayaya inay si sharci-darro ah ku galaan Boqortooyada Ingiriiska ka dib markii ay ka soo safreen dooni ka timid Dieppe.


Wasiirka soo galootiga Chris Philp ayaa yiri: "Faransiiska waa dal amaan ah oo nidaamka magangalyada sifiican uga shaqeynaya.


Dadku waa inay ka dalbadaan magangalyo wadanka ugu horeeya ee nabdoon ee ay soo gaaraan oo aysan naftooda u biimeynin inay ka sii gudbaan oo ay qatar u bareeraan.


"Waxaan sii wadeynaa inaan si dhaw ula shaqeyno Faransiiska kadib heshiiskii na dhexmaray si loo qaado talaabo dheeri ah oo wax looga qabanayo tahriibka sharci darada ah."


Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in tirada askarta booliska ah ee ku sugan dhulka Faransiiska ay laba jibaareen taas oo looga jawaab celinayo mugga muhaajiriinta isku dayaya inay u gudbaan UK.

 

BBC

 

Loading...
Loading...