Mahdi Guuleed Oo Raaligelin Ka Bixiyay Hadal Ay Dhibsadeen Mucaaradka Somaliya

0
Friday January 01, 2021 - 10:52:33 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1267
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mahdi Guuleed Oo Raaligelin Ka Bixiyay Hadal Ay Dhibsadeen Mucaaradka Somaliya

    "Waxaan rabaa inaan raali-gelin iyo xaal aan ka bixiyo..."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan rabaa inaan raali-gelin iyo xaal aan ka bixiyo..."

Muqdisho (HWN) Raysal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa  raali gelin ka bixiyay hadal uu hore u sheegay oo ay dhibsadeen mucaaradka dawlada Somaliya.

 

Hadalka uu raaligelinta ka bixiyay Raysal Wasaare ku-xigeenku ayuu hore uga sheegay kulan ka dhacay Muqdisho waxaanu ahaa hadalkaasi  in Madaxweyne Farmaajo uu wareeja 1aad ee doorashada uu kusoo bixi doono sida dowlad Goboleedyada, Hir-Shabeelle, Galmudug & Koonfur Galbeed oo  ay ka soo baxeen  Madaxweynayaal taageersan dowladda.

 

"Waxaan rabaa inaan raali-gelin iyo xaal aan ka bixiyo hadal aan hore u idhi ee ahaa Wareega koowaad, arrinta wareega 1aad raali-gelin iyo xal baan ka bixinayaa, musharixiinta ha biqinina xaal ban ka bixiyay wareega 1aad garoonkana wuu noo furan yahay ee aan u diyaar garoowno doorasho nabad ah ayuu yidhi” Mahdi Guuleed.

 

Mahdi Guuleed Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa magaalada Garowe waxa uu kula kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare oo uu xifaaltan siyaasadeed kala dhexeeyo.


Loading...
Loading...