Dhacdo Naxdin iyo Murug Wadata Weeyi Runtii.
Caawa waxaan doonayaa inaan idinla wadaago sheeko aad u xunun badan oo wiil iyo aabihi ah.
Halkani waa badhtama suuqa hargeisa muddo badan ayuu halkan ku suganyahay isaga iyo wiilka uu dhalay
Waa #Aabo madaxa ka jiran iyo #wiil_Yar oo uu dhalay oo habeen iyo maalin magaalada hadba dhinac u wada taas oo wiilka yar naftii ka goysay socodka aan nasashada lahayn ee habeen iyo maalin ah.
Wiilka yar wax kabo ah ma wato maalintii cad ceedada ogtahay ayuu kabo la'aan ku socdaa
habeenkii dhaxanta dhacaysa ayuu qabowga hadba dhinac u wada , marna baabuurta ayuu udhigaa marna dhaxantaa ku garaacysa halka aynunaragno, dhaxanta xilligan dhacaysa Hargeysa qofka caafimaadka qaba naftu siin mayso in uu 5 daqiiqo halkaas taagnaado, waana laynagu eegayaa ilmahaas yar dhibaatada intaas leeg iyo darxumadaada haysata waxa ka mid ah, kolba ninkan waalan baabuurta ayuu udhigaa hadaan laga qabana aakhirka gaadhi ayuu udhigayaa oo jidhi kara
wuxuu ku suganyahay halis iyo darxumo .
Caawa casho ayaan meel uga qaadnay waxan is nidhi bal eega inuu cuno ilmaha yarna wax ka cuno isna waxba kama cunin kii yaraana waxba kama siin meel ayuu iska dhigay cashadii .
Qof kasto suuqa hargeisa jooga waa ka war haya silica iyo saxariirka ka muuqata ilmaha yar
inta badan waxaa laga helaa dhismaha hadda gacanta lagu haye ee loo dhisayo Aasaarta ama ka so horjeedka Yemanta .
Masuuliyadda koobad waxay saarantahay dawlada Somaliland
Ninka waalan iyo ilmaha yariba waxay u baahan yihiin daryeel fadlan aynu u kacno oo aynu caawina .
Aynu u so ducayno walaalo yaal
Fadlan share gareeya
Qr: Xamse Ali Ibarahim.
Link Faysal Adan Fifa
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!