'' Mustafe Cag-Jar , Madaxwayne Aan Mar Walba Qudbadihiisa Dhagaysto ''.
Madaxwaynaha dawlad deegaanka Soomaalidda mudane
Mustafe Cagjar waa Hogaamiyaha keliya ee Soomaaliyeed ee aan dhagaysto
qudbadihiisa marxaladan imika la joogo , haday noqon lahaayeen madaxwaynayaal ,
gudoomiyeyaal iyo wasiiraba .
Siyaasad ahaan Mustafe isku aragti kama nihin dhinaca siyaasadda maxaa yeelay isaggu wuxuu u janjeedhaa dhinaca xisbigga PP iyo afkaarta Raysal wasaare Abby Ahmed , ana waxaan la jiraa dhinaca Federaal doonka iyo isbadal doonka qunyar socodka ah , hassa yeeshee qudbadihiisa ayaa isoo jiita sadex sababood awgood .
1- Musfafe markuu hadlayo wuxuu u hadlaa si degen
oo qabow oo kuu ogolaanaysa in aad dhagaysto .
2- Mar walba wuxuu isku xidhaa taariikhda iyo
joogtadda , markuu taariikhda ka hadlayana wuxuu ku taliyaa in aynoqoto cashar
laggu cibro qaato oo aan qaladaadkii horre u jiray dib usoo noqonin , tusaale
hadii shalay haraad jirey in aanu maanta haraadki soo noqonin ee lagga
gaashaanto .
3- Mar walba wuxuu ka hadlaa mustaqbalka , wuxuu
muujiyaa rajo , rajadaas ayaanu dadku ku guubaabiyaa in ay hiigsadaan oo
yoolkoodu noqdo mustaqbal wanaagsan .
Si kastaba ha ahaatee waayadan dambe ee ay saxaadda ka maqan yihiin , Siilanyihii aan xanuusan , C/risaaq xaaji xuseen , M I Cigaal iyo Cali khaliif anigu inankaa yar ee Mustafe Cagjar ayuun baan dhaaystaa
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!