Dhaqanka 'dhaameelka siyaasadda' iyo dhibaatooyinkii laga dhaxlay!!!!W/Q Maxamed Kayse Gahayr

0
Wednesday December 30, 2020 - 21:28:18 in Articles by
  • Visits: 1695
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaqanka 'dhaameelka siyaasadda' iyo dhibaatooyinkii laga dhaxlay!!!!W/Q Maxamed Kayse Gahayr

    Dhaqanka 'dhaameelka siyaasadda' iyo dhibaatooyinkii laga dhaxlay!!!!W/Q Maxamed Kayse Gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhaqanka 'dhaameelka siyaasadda' iyo dhibaatooyinkii laga dhaxlay!!!!W/Q Maxamed Kayse Gahayr

No description available.


 



Hoggaanka dawladnimo ama siyaasadeed wuxuu kow ka yahay indheergarashada iyo sahanka bulshada, waxaana laga filayaa in uu bulshada u sahmiyo GURI NABAD iyo BARWAAQO ah. Maahmaah ayaa ahayd: "Awrka danbe, awrka hore saanqaadkiisa ayuu leeyahay.” Danta bulshada iyo wanaagga dawladdnimo waxay ku jiraan in bulshada la baro oo lagu qanciyo ahmiyadda ay dawladnimadu leedahaya iyo in ay tahay wadiiqada keliya ee horumar lagu gaadhi kato.

 

Doorashooyinkii dalka soo maray waxay abuureen dhaqan bulshada karaamo-dil ku ahaa, kana qayb qaatay in uu sii gurracmo FAHAMKII doorashooyinka iyo DAWLADNIMADUBA. Ma jirto meel ka hoosaysa in bulshada in badan o ka mid ah ay yidhaahaan "annaga $10 ayaa noo dan ah.” "wixii nala baray yaan lagaa waayin!”

 

Marka aad ku tidhaahdo "wax ka wayn ayeynu ka rajeynaynaa dawladnimadda” jawaabta diyaar ka ah waa sidan: "KUWII HOREBA WAXBA KAMA HAYNO!” Xogta aan ka helay intii aan bulshada ku dhex jiray muddooyinkan danbe, waxaa ii soo baxay in labadii doorasho ee ugu danbeeyey uu aad u xoogaystay dhaqan aan u bixiyay ‘dhaameelka siyaasadda.’

 

- Tartankii ururrada 2012

- Doorashadii madaxtooyada 2017

May jirin wax mabaadi’ ah oo ay ururradaa iyo xisbiyadu ku ololaynayeen, taa beddelkeeda waxay ku ololeeyeen laba arrimood:

- Tolla’ay yaa reer quwaax ah iyo,

- Qaybinta qaadka!

 

Hoggaanku markuu xumaado ee meel liidata bulshada u gadhigo sidii saxa ahayd ee ay ku raacaan, waxaa tusaale loogu soo qaataa Fircoon, naclad haku dhacdee:

فاستخفقومه فاطاعوه إنهم كانوقوما فاسقين

Bulshadii uu madaxa u ahaa ayuu dulaystay markaasay ku raaceen, iyaga laftooda eeddii lagama reebin e, waxaa Rabbi yidhi: Waxay ahaayeen faasiqiin liita oo xadgudbay.

Aragtida loo baahanyahay waa:

 

1. In bulshada karaamadeeda la ilaaliyo oo aan mijin jaad ah lagu iibsannin

2. Khalad hore oo dhacay in aan lasii wadin

3. Bulshada In labaro xaqa ay dawladda ku leeyihiin

4. Dadka la dooranayo in ay runta ka sheegaan u jeedka ay u doonayaan in la doorto ee aanay damiirka dadka laaluushin.

 

Tartammadii 2012 iyo 2017 wuxuu saamayn taban ku sameeyey murashixiinta maanta doonaysa inay golayaasha u tartamaan.

 

Duul siyaasi qasay!


Qalinkii:-Maxamed Kayse Gahayr


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...