Hay'adda Lacagta Adduunka ee IMF Oo saadaalinaysa in dhaqaalaha dalka Iran Hoos Udhac Ku Imandoono.
Warbixin IMF ay sii daysay maanta ayay ku sheegtay in sidoo kale ay qiyaaseyso in sicir-bararka Iran uu gaaro 40%.
Maamulka Trump ayaa la filayaa in khamiista uu si rasmi ah usoo geba-gebeeyo waqti lix bilood oo dheeri ah oo uu siiyey dalalka Iran ka iibsada saliidda oo ay ku jiraan China, India, Japan, Turkey iyo Kooriyada Koonfureed, si ay u joojiyaan.
Mareykanka ayaa sheegay inuu doonayo in Iran uu sanadkii ka lumiyo 50 bilyan oo dollar oo ah dakhliga kasoo gala iibka saliidda, si loogu cadaadiyo inay soo afjarto barnaamijkeeda nukliyeerka iyo gantaalada.
Aqalka Cad ayaa sheegay inuu dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka kala shaqeynayo inay xaqiijiyeen inay dunida u qeybiyaan saliid ku filan oo looga maarmoo tan Iran.
Turkiga iyo China ayaa cambaareeyey tallaabada Mareykanka, hase yeeshee ma cadda inay sii wadi doonaan inay iibsadaan saliidda Iran iyo in kale.
VOA.


0 





