Qaramada Midoobay Oo Hirgelinaysa Talaabooyin Ay Ku Ciqaabayso Dawlada Soomaaliya

Tuesday March 05, 2019 - 16:03:19 in News by
  • Visits: 2312
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay Oo Hirgelinaysa Talaabooyin Ay Ku Ciqaabayso Dawlada Soomaaliya

    Qaramada Midoobay Oo Hirgelinaysa Talaabooyin Ay Ku Ciqaabayso Dawlada Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada Midoobay Oo Hirgelinaysa Talaabooyin Ay Ku Ciqaabayso Dawlada Soomaaliya

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in Qaramada Midoobay ay cadaadis culus saartay Dowladda Soomaaliya, ayada oo ku ciqaabeysa go’aankii ay dalka uga cyrisay Wakiilkii UN-ka ee Soomaaliya Ambassador Nicholas Haysom kaas oo Soomaaliya ka shaqeynayay bilooyin kooban.

Qaramada Midoobay ayaan wali soo magacaabin wakiilkii badali lahaa Ambassador Haysom muda ka badan 60 cesho kadib markii la caydhiyey Haysom, sidii ay ku balameen Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa hakad ku jira dhamaan taageeradii Dowladda Soomaaliya ay ka heli Jirtay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayada oo sidoo kalena la dhimay shaqaalihii xafiiska ee Muqdisho, oo qaarkood u wareegay Nairobi.

Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya ka taageeri jirtay bixinta Mushaaraadka Ciidamada Booliiska, Tababarada iyo lacago kale oo la sheegay in toos loo siin jiray Dowladda Soomaaliya, waxaana la sheegay in bilihii la soo dhaafay aan la bixin lacagtaasi.

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa door-wayn ku lahayd sidii ciidamada Soomaaliya ay ammaanka kala wareegi lahayeen ciidamada AMISOM goobaha ay ka baxayaan, waxaana muuqata in aysan arintaasi dhicin maadaama ay dalka ka baxayaan cutubyo ka tirsan howlgalka AMISOM.

Arintaan ayaa saameen ballaadhan ku yeelan karta arimaha ammaanka iyo dib usoo kabashada Soomaaliya.

Dad badan ayaa arrintaan walaac xoog leh ka muujiyay waxayna ka fekerayaan sida ay Dowladda Soomaaliya uga gaashaaman karto xaaladda sii xumaaneysa ee Soomaaliya iyo sida dib loogu soo celin karo wada-shaqayntii Soomaaliya iyo UN-ka maadaama aysan Soomaaliya ka maarmin wada-shaqaynta Qaramada Midoobay.

 

 

 

 


Loading...
Loading...