Hiigsigii Iyo Himiladii Fogayd: Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar. Qormadii: 10aad

0
Wednesday December 30, 2020 - 09:45:07 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 958
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hiigsigii Iyo Himiladii Fogayd: Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar. Qormadii: 10aad

    Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

Iyo Seylici oo isaguna ku guulaystay doorashadii: Murashaxa Madaxweyne ku-xigeenka Siilaanyo, wuxu ahaa qofkii ugu da’da yaraa inta doorashada isu sharraxday. Iyada oo aan markaa aad loo aqoonin, wuxu riixay ninkii ka waayo-aragsanaa ee siyaasiga/halgamaaga ahaa ee Cabdiraxmaan Aw Cali oo filanayay fursad uu isugu sharraxo Madaxweyne ku-xigeen. Wuxu Ra’yaale kula tartamay magaaladiisii. Wuxu jebiyay deyrkii cabsida lahaa ee sirdoonkii Ra’yaale dadka ku xeereen. Wuxu xoreeyay maskaxdii dadka, Ra’yaale wuxu tusay tamartiisii. Wuxu u saamaxay xisbigiisii Kulmiye in uu isu soo bandhigo caqliga xoroobay ee dadweynaha, isaga oo u tusay in ay yihiin kuwa dalka iyo dadkaba badbaadin karaa. Seylici sidaa wuxu yeelay isaga oo dawaynayay isla markaana bogsiinaya ruuxa ummadeed. Ha noolaaado Madaxweyne ku-xigeenku.



Shacbiga Somalilandna waa ay guulaysteen: Shacbiga Somaliland waxay u muujiyeen naftooda in ay masiirkooda gacanta ku haystaan, waxay ku guulaysteen in ay hantiyaan karaamadii shacbigooda isla markaana ay iska rogaan heeryadii qabyaaladda. Si ay ugu dabbaal-degaanna waxay damaashaad ku jireen 21 maalmood. Dhulkan ay siyaasaddu socod-baradka ku tahay, qiimihii damaashaadka iyo dabbaal-deggu wuxu u dhigmayay ka koobka adduunka. Kani wuxu kaga duwanaa in aqal kasta lagu ciyaarayay, iyo in magaalo kasta oo Somaliland ka tirsan lagu ciyaarayay. Qof kastaa ciyaaryahan ayuu ka ahaa, saacado aan dhammaad lahayn oo la doodayay, olole si niyad ah oo farxadeed looga qayb-qaatay iyo natiijo-nabadeed oo sifaysay ama soo xashayba maskaxdii iyo quluubtii dadka. Bandhiggan nabadeed ee awoodda dadka iyo dhoolla-tuskan geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ayaa ka farxiyay ummaddii isla markaana godka ku riday harraadkii dadka qaar u qabeen dhiig daata iyo qudh baxdaba. Dagaalku waa uu socdaa, bal se ummaddu waa tii waarta ee noolaata.


Dadka Soomaaliya ku noolina waa ay guulaysateen: Doorashadan nabadeed awgeed, xil-wareejintan nabadeed darteed, mucjisadan deriskoodu xaqiijiyay ee ay ku dhaqaaqeen dadka Soomaaliyeed ee sidooda u hadlaa, ee iyaga u egi, ee sidooda u socdaa ee sidooda wax u aamminaa waxay dhidibbada u taagaysaa xaqiiqada ah: Dhiillada Soomaaliya ka taagani dadka ma aha, bal se waxay tahay saboolnimada aragtiyeed ee hoggaankeeda siyaasadeed iyo ma-dhalaysnimada aragtida Soomaali-weyn. Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ka dib nololi waa ay jirtaa.”


Ciddii doonaysay in ay wax ka ogaato sida Dr. cabdishakuur u fekerayay halkan ayay ka daalacan kartaa. Waa kaa digtoorkeennii caqliga iyo aqoontaba hodanka ku ahaa.


Aan intaa maanta ku soo koobo Qormooyinkaygan koobnaa ee taxanaha ahaa, aniga oo aan meeshaka saarayn in marar danbe ku soo noqdo.


Si aynu u qabyo-tirno qormooyinkan, waxaanu marti idiin ka nahay wixii aad ku soo kordhin kartaan.

Amaba naqdi ah.

Dhammaad

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...