Wasiirka Biyaha Somaliland Oo Ka Hadlay Wararka Sheegaya In Somaliland Ay Jabuuti Siisay Ceel Biyood.

0
Wednesday December 30, 2020 - 08:37:13 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2127
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Biyaha Somaliland Oo Ka Hadlay Wararka Sheegaya In Somaliland Ay Jabuuti Siisay Ceel Biyood.

    "arrinta biyaha Jabuuti wax gaar ah oo ay inaga doonaysaa ma jirto"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"arrinta biyaha Jabuuti wax gaar ah oo ay inaga doonaysaa ma jirto"

Hargeysa-(HWN)-Wasiirka horumarinta Biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diirye ayaa sheegay in dawladda Jabuuti aanay wax gaar ah ka doonayn dalka taasi oo Meesha ka saartay wararkii sheegayey in dawladda Jabuuti ay Somaliland ka doonayso ceelal ay biyo ka hesho .

 

Wasiir Maxamed Muuse Diiriye oo la hadlay warbaahinta dawladda ayaa xussay in dawladda Jabuuti ay garab taagan shacabka iyo jamhuuriyadda Somaliland,

 

"arrinta biyaha Jabuuti wax gaar ah oo ay inaga doonaysaa ma jirto, in ay wax inala qabto oo ay doonaysaa, Hargeysa ayeynu waraabin kari la’nahay  oo culays badan naga haystaa , dooxa haddaynu u qabano magaalada Hargeysa way dhergi " ayuu yidhi


Loading...
Loading...