Wasaarad Ka Tirsan Xukuumada Muuse Biixi Oo Qiratay Inay Ku Fashilantay Shaqo Loodiray.

0
Wednesday December 30, 2020 - 08:29:58 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1290
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaarad Ka Tirsan Xukuumada Muuse Biixi Oo Qiratay Inay Ku Fashilantay Shaqo Loodiray.

    "waanu ku guuleysan waynay, in alaale intayadii shaqada ku laheyd oo dhami"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waanu ku guuleysan waynay, in alaale intayadii shaqada ku laheyd oo dhami"

Hargeysa (HWN) Wasiirka wasaaradda degaanka iyo horumarinta reer miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil (Bandare), ayaa sheegtay in ay shaqeyn wayday wareegtadii madaxweynihii hore ee   Somaliland uu ka soo saaray  joojinta Bacaha, islamarkaana ay ku guuldarreysteen mabnuucisteeda iyo hakinteeda hay’addihii shaqada ku lahaa oo dhammi.

 

Sidoo kale wasiir Shukri waxaa ay sheegtay in ay Moofooyinka Furinka lagu duba ay qayb ka yihiin nabaad guurka degaanka, oo cidda ugu badan ee isticmaasha dhuxusha ay yihiin iyaga.

 

Wasiir degaanka Marwo Shurki ugu horreyn waxaa ay daaha ka fayday in ay u maaro waayeen joojinta Bacaha dhammaan hay’addihii ku shaqada lahaa. "Bacdii oo la mabnuucay 4/4/2015-kii shan sano kadib waxaa la is waydiiyay halkee ayay wax marayaan, shanta sano ee aynu soo dhaafnay joojinta bacdaasi waa aynu ku guuleysan waynay, intayadii shaqada ku laheyd oo dhammi, Bacdii magaalada ayay taalla, waana la mabnuucay digreeto ayay ku soo baxday, sharci ayaa ka soo baxay, raggi warshadaha lahaa waa laga xidhay, labadii warshadood ee u waa weyna dawladdu lacag ayay u celisay inkasta oo aanay u dhaweyn wixii ay soo siisteen.

 

Haddana warshadaha markii la xidhay ee Somaliland gudahoodii laga xidhay, haddana bacdii maanta magaaladii waa ay taalla, dukaan kasta waa ay taala, ciddkastaba wax waa loogu ridaa.

 

Maanta oo kale Kastamiska waxaa yaala sideed milyan oo xabbo oo la soo qabtay, oo dhawaantan la soo qabtay, illaa sideed milyan oo xabbadood ayay hayaan oo maanta gacanta  lagu hayaa.

 

Bacda joojinteeda waanu ku guuleysan waynay, in alaale intayadii shaqada ku laheyd oo dhami ama dawlad hoose ha ahaato, ama ha ahaato wasaaraddo, ganacsiga annaga, maaliyadda, waanu ku guuleysan kariweynay si aanu u xakameyno, sababto ah mar haddii aan isku aragti laga wada aheyn oo aan meel laga wada duuleyn taasi waanu ku guuleysan waynay, imikana shir ayaa loo ballansan yahay sidii wax looga qabanlahaa”

 

Sidoo kale waxaa ay ka hadashay in goobaha Furinka lagu duba ay qayb ka yihiin nabaad guurka degaanka. "Inay ka tagaan dhuxusha oo ay isticmaalaan gaasta, iyo wixii la mida, goobaha furinka lagu dubo ayaa dhuxusha faro baas ku haya, sababto ah xaabo ayay wax ku shidaan, waxaa aanu ugu taag waynay waxaa aad ku shidaan Garan-waaga meel walba ku yaala, dhirtii oo noockasta leh ayaa Moofooyinka Roodhida lagu sameeyo horyaala”

 


Loading...
Loading...