13 Jir Ayay Uur Ku Yeelatay Balse Waxaa Usuuro Gashay Inay Iskuulka Xaadirto

0
Wednesday December 30, 2020 - 08:16:29 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1515
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    13 Jir Ayay Uur Ku Yeelatay Balse Waxaa Usuuro Gashay Inay Iskuulka Xaadirto

    "Waxaan jeclaan lahaa inanaa waxbarshadayda sii wato"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan jeclaan lahaa inanaa waxbarshadayda sii wato"

Dowlada Tanzaaniya ayaa waxaa lageeyay maxkamad bishii lasoo dhaafay kadib markii ay mamnuucday gabdhaha uurka yeesha iyo hooyooyinka yar yar ee dhigta iskuulka. Waa mid ka mid ah dalalka yar ee adduunka ee sida firfircoon u dhaqan geliya mamnuucistaas.




Sannad ka hor bishaan oo kale, maxkamad kale ayaa ku amartay Sierra Leone inay joojiso xayiraadda ay saartay gabdhaha uurka yeeshee. Haddaba sidee ayay wax isaga beddeleen waddankan ku yaal Galbeedka Afrika?


Fatuu (ma aha magaceeda rasmiga ah) waa 13 jir, oo afar bilood uurna leh. Waxay ahayd dhibane loo geystay xadgudub galmo.


Ilaa sanadkan, duruufaheeda waxay la macno noqon lahaayeen inay iskoolka ka tagto oo ay macquul tahay in lagu khasbo guur, hase yeeshee Taabadalkeed, waxay sii wadaa riyadeedii ahayd inay maalin uun noqoto kalkaaliso caafimaad.


Bishii Maarso, Sierra Leone waxay laashay xayiraaddii laga saaray gabdhaha uurka leh iyo hooyooyinka da'da yar in ay iskuulada dhigtaan, saddex bilood ka dib markii maxkamadda gobolka dhaqaalaha ee dalalka galbeedka Afrika (Ecowas) - oo ah maxkamadda ugu sarreysa gobolka - ay xukuntay inay tahay "midab takoor" ayna ku xadgudubtay cunug xaq u leh waxbarasho.


Dalku muddo dheer ayuu dhibaato ku qabay uurka gabdhaha - sannadkii 2013-kii in ka badan 35% gabdho da'doodu ka yar tahay 18 sano ayaa umulay. Tirada ayaa sii korodhay - ilaa 65% meelaha qaarkood - gaar ahaan intii lagu jiray dhibaatada cudurka Ebola 2014/15 markaas oo iskuuladu lagu qasbay inay albaabada la iskugu dhufto.


Inkastoo xarumo wax-barasho oo gaar loo sameeyay gabdhaha iskuuleeyda ah ee uurka qaada, halkaas oo lagu barayay afar maaddo oo keliya iyo 3 maalmood toddobaadkii base maxkamadda Ecowas ayaa bishii Deseembar 2019-kii laashay iyadoo ku tilmaantay in tallaabadani ay midab-takoor kale tahay.


Badalidda qalbiyada iyo maskaxda dadka

Markii ugu horreysay, ku dhowaad 1000 gabdhood oo uur leh ayaa awood u yeeshay inay imtixaanadooda u fariistaan.


Si kastaba ha noqotee, ururada sida WAVES, ayaa sheegay in dagaalku uusan badalin keliya quluubta iyo maskaxda hoggaamiyeyaasha dalka, laakiin sidoo kale waa inuu badalaa bulshada dhexdeeda.


Ka mamnuucida iskuulka gabdhaha uurka leh waxay caan ku ahayd dad badan oo reer Sierra Leone ah. Markii xayiraadda laga qaaday bishii Maarso, haweeney ayaa u sheegtay weriyaha BBC Umaru Fofana in ay "u oggolaan doonin in gabadhayda ay fasalka la fariisato qof uur leh - taasi waa saameyn aad u xun"


Waalidiinta Fatu, Francis iyo Iye ayaa ku faraxsan in gabadhooda yar ay sii wadan karto iskuulka inta ay uurka leedahay. Waxay sheegeen in xayiraada laga qaaday ay badashay aragtidooda ku aadan arinta, rajadoodana hada ay tahay inay arkaan Fatu oo waxbartay, halka sanad ka hor laga yaabo inay tixgeliyeen in ay u guuriyaan gabadhooda.


Hase yeeshee Fatu ayaa sheegeysa in ay nolosha ku adagtahay sababtoo ah waxay faquuq kala kulantaa ardayda kale inkastoo ay isku daydo in aysan ka niyad jabin waxbarshadeeda oo ay miro dhaliso hadayadeeda.


Fatu ayaa sidoo kale sheegeysa in dhibaatada faquuqa ardayda kale ay u dheertahay ciqaabta ay kala kulanto fadhiga xilliyada dheer ee fasalka. Waxay sheegtay in mararka qaar ay qaadan xiisado dhameystiran.


"Waxaa intaasi ii sii dheer in saaxibadayda aysan ii ogoleyn inaan kala qeyb qaato ciyaaraha, sababtoo ah waxay i leeyihiin safiican uma ciyaari kartid oo uur ayaad leedahay."


Waxay intaasi ku dartay: "Waxaan jeclaan lahaa inanaa waxbarshadayda sii wato marka aan canuga dhalo ka dib sababtoo ah waxaan doonayaa inaan iskuulka dhameeyo oo aan noqdo qof tacalliin leh."


"Waxaan rajaynayaa inaan noqdo kalkaaliye caafimaad mustaqbalka. Markaan weynaado waxaan jeclaan lahaa inaan isu arko inaan la taliye u noqdo gabdho badan oo ay igu daydaan."


Mawqifka adag ee Tansaaniya

Sinnaanta Hadda, oo gacan ka gaysatay in loo gudbiyo dacwadda sharciyeed ee ka dhanka ah Sierra Leone, ayaa hadda dagaalka u qaaday dhanka Tansaaniya, dhinaca kale ee qaaradda.


Waxay bishii hore dacwad u gudbisay maxkamadda Afrika ee xuquuqda aadanaha, iyadoo rajeynaysa in laga laabto xayiraadda la saaray gabdhaha uurka leh ee dhigta iskuulada ku yaal waddankan Bariga Afrika ka tirsan.


Balse waxay sheegeysaa in Tansaaniya ay ka duwanyahay kiikii Sierra Leone maxaa yeelay, Tansaaniya waxaa arrintaan taageeraya siyaasiyiinta dalka, halka Sierra Leone uu ahaa mid dhaxal ah oo siyaasiyiinta aysan wadan.


Waxay taasi ula jeedday madaxweyne John Magufuli oo 2017-kii ku hanjabay: "Inta aan aniga madaxweynaha ahay... Ma jiri doonto gabadh iskuuleey ah oo uu yeelatay inay iskuulka dib ugu soo laabato. Marka aad uur yeelato, way kuu dhammaatay."


Tansaaniya waxay leedahay mid ka mid ah heerarka ugu sarreeya ee da'yarta uurka yeelata.

Sida laga soo xigtay UNFPA, sanadkii 2016, afartii gabdhood inta udhaxeysa 15-19 sannadood midkood ayaa uur leh amaba umushay.


Xogta dowladda isla sanadkaas waxay muujisay in 36% dumarka la guursaday ka hor inta aysan 18 gaarin.

Bangiga Adduunka, oo sannadkan Tansaaniya siiyay amaah dhan $ 500m (£ 370bn), ayaa sheegay in kala bar 60,000 oo arday oo sannad walba ka baxa iskuullada ay yihiin gabdho, kuwaasoo 5,500 oo ka mid ahi ay u baxeen uur awgii

 

BBC.

 

Loading...
Loading...