Itoobiya Iyo Jabuuti Oo Wada Galay Heshiisyo Muhiim Ah

0
Tuesday December 29, 2020 - 13:11:47 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya Iyo Jabuuti Oo Wada Galay Heshiisyo Muhiim Ah

    Safiirka iyo Guddoomiyaha Dekedaha Jabuuti ayaa sidoo kale isdhaafsaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka iyo Guddoomiyaha Dekedaha Jabuuti ayaa sidoo kale isdhaafsaday

Madaxweynaha Jabuuti Iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya Maxay Ka Wada Hadleen ? - Ilays News

Danjiraha Itoobiya u fadhiya Jabuuti, Berhanu Tsegaye ayaa wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Dekedaha Jabuuti Aboubaker Oumer Hadi, halkaas oo shalay lagu gaadheen heshiisyo waaweyn oo lagu xoojinayo awoodda dhismaha wadddooyinka, howlaha dekeddaha iyo sidoo kale dhismaha boosteejooyinka casri ah.

 

Danjiraha Itoobiya wuxuu hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in si dhakhso leh loo soo afjaro dhameystirka Wadada Dikhil-Daguru, taasi oo wax weyn ka tari doonta horumarka dhaqaale ee labada dal.

 

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen qaababka lagu bilaabi karo inta ka hartay 80 km ee wadada muddada ugu yar ee suuragalka ah.

 

Safiirka iyo Guddoomiyaha Dekedaha Jabuuti ayaa sidoo kale isdhaafsaday aragtiyo ku aadan qaababka loo wanaajin karo tayada adeegyada dekeda (Doraleh Multi-Purpose Port) iyo wadada tareenka ee isku xirta Itoobiya iyo Jabuuti.

 

Waxay ku heshiiyeen inay xiriir ka sameystaan Terminalka shidaalka ee Horizon oo ka yimaada dhinaca Jabuuti iyo keydka shidaalka ee ku yaal magaalada Awash oo ka timaadda dhinaca Itoobiya ilaa jidka tareenka ee Ethio-Djibouti.

 

Labada dowladood ayaa xusay tani in ay lahaan doonto faa'iidooyin kala duwan oo lagu hubinayo qulqulka xamuulka saliidda iyo ka hortagga suuq-geynta saliidda sharci-darrada ah.

Gudoomiyuhu wuxuu balan qaaday inuu sida ugu dhaqsaha badan u siin doono warqada lahaanshaha dhinaca Itoobiya ee heshiiska si Loo Fuliyo Qodobada laysku afgartay.


Loading...
Loading...