Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Maxamed Cali Bile: Agaasime hurday Nus-qarni

0
Tuesday December 29, 2020 - 09:58:15 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2660
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland Maxamed Cali Bile: Agaasime hurday Nus-qarni

    Qore: Cabdi Muhumed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore: Cabdi Muhumed

Rashiid Maxamed Shabeelle oo ay dhashay Hodan Cabdille Walanwal, waxaana sidaas abti ugu ahaa Xasan Kayd Cabdille Walanwal, halyaygii horkacayay kooxdii saraakiisha ahayd ee isku dayay in ay ku soo  celiyaan gacanta dadka reer Somaliland madaxbanaanidoodii ay lumiyeen mudanayaashii baarlamanka ee ay dadku doorteen. Maa ay jirin wax aqoon siyaasadeed ah oo ay lahaayen 33 kaas mudane, marka laga reebo Maykal maryamo Cali 33 oo aaminsanaa fikrka ah in dawladda ingiriiska maxmiyad loo sii ahaado ilaa 1970ka,   oo aynu intaa barano dawladdnimada iyo sida ay u shaqayso ama waxa afka qalaad loogu yeedho (Civil Servant) oo ah mashiinka dawladnimada haga.  Hase ahaate waa lagu gacan saydhay maxaase laga faa’iday? 60 sano kadib waataa dhanna u dirgan la’e.



Waxba yaanu hadalku ila taraarine Rashiid Maxamed Shabeelle waxaa uu dalkiisii hooyo ka soo hayaamay horaantii todobaatameeyadii waxaanu ka soo maqan yahay rubuc qarni isagoo dagay dalka Holland, walina waxa uu ku noolyahay halkaas oo u noqotay hoy.


Haddaba agaasimahan Maxamed Cali Bile oo hurday 50 sano ku dhawaad oo ah mudada u soo maqnaa Rashiid Maxmed Shabeelle oo aan wax badan ka danbayn daabacaadi buugiisa (Ma dhabaa jacay waa Loo dhintaa ) ayaa isaga oo qudbadaynaya dad hortiisa fadhiya oo uu kala hadlayo madxafkan uu tuurta ku sito, ee la soo dul dajiyay duleedka madxafka Saryan ayaa waxaa hortiisa ka muuqda nin la yidhaa Cabdisalaan Maxamed Shabeelle oo ay walaalo yihiin Rashiid Maxamed Shabeelle. Agaasimiha aynu ku aaminay madaxtooyadii dhamayd ee la inoo sheegay in qaranka looga aramiyo, waxa uu kala garan la’yahy ninkaa rubuc qarni ku dhawaad dalka ka maqnaa iyo walaalki oo ka hawlgala Wasaarada Ganacsiga iyo Dalxiiska oo ah Cabdisalaan Maxamed Shabeelle. Miyaan la odhan Karin agaasimahani waxa uu wali lahaystaa midowgii soofiyeeti ee burburay waanu hurdaa, ee hurdada ka kac dheh. Kolna faan been ah oo lala wada yaabo oo aan waxba ka jirin ha noo daldalin kolna hanooga dhigin Helicopter Chinok ee lagugu dhaafinayay falaagada Daalibaan si aan laguu dilin hanooga dhigin tii raaxada iyo dadka lacagta haystaa leeyihiin ama kiraystaan sidii tii la burburtay Koby Bryant xiddigii NBAda.

 

Madxafka Saryan

Siciiid Shugri waa indheer garad ku fikiray in uu aasaaso madxaf qaranku leeyahay markii malahaygu u muuqan waayay dawlad xilkaa isa saarta oo agabkii taariikhdii dalkan ururisa waxaanan is leeyahay fikradan madaxaf uu qaranklu leeyahay Muuse Biixi Cabdi (Wax Ma Yaqaan) isaga ayaa uu ka xaday, sababta oo ah malaha fikir wax curineed intaan ka qaano. Isku soo wada duubo 9kii bishan December madxafkaa inoogu qudbadeeyay agaasimahan aan kor ku soo xusay ee seexday muddo rubuc qarni ah, laguna shaqo gayn jiray helicopter casriya oo dalka afghanistaan ee dagaaladu halakeeyeen ilaa 1979  kii oo ah been cad, haddaba madxafku tuurta lagu siday oo in uu noqon doona mid labaad oo kaabidoona  kan khayriyadda laga furi doona xilli aan la garanayn oo ku beegnaan doonta sannadka soo socoda badhtamihiisa ama dabayaaqadiisa. Waxana uu madxafka inoogu sheegayo agaasimihii gam’ay waa hore in ay tahay bakhaaro (storage) loogu sii kaydinayo kaa khayriyadda laga dhisayo, ma cada warku waxaan leeyahay agaasime hurdow noo kala iftiimi waxan kale oo leeyahay waa halkii Gaarriye ee "waxbaa nooga iftiimay madxafkan” ama bakhaaradan hadba kuu yahay agabkan tuurta lagu sito ee lala soo dulbaxay madxafkii Saryan ee uu dhisay Siciid Shugri oo ah nin waddani ah wax taageero ahna aan ka helin dawlad iyo dadwayne toona marka laga reebo wax yar oo faro guudkood ah oo ZamZam Cabdi Aadan oo ahayd Wasiirkii maaliyadda ee xukuumaddii Siilaanyo, mana qabato sidaasi muwaadin ka isxilqaamay.


Waa laba mid uun, in ay arintu la xidhiidhi aargoosi oo uu Muuse Biixi wuxuun ku qaniinay Siciid Shugri Dhako ama wuxuba iska yihiin bakhaaro kayd ah  oo aan ahayn madxaf sida uu sheegayo agaasime seexde Maxamed Cabdi Bile, si kastaba ha ahaate war jiraaba cakaaru iman. Agaasimaha seexdayna waxaan leeyahay qudbadahaaga bar sida wax loo iftiimiyo ee hadalka loo caddeeyo mise waxaa iska been ahayd 17000kii  qof ee shaqaalaha aad maamusho iyo helicopterkii lagugu shaqo gayn jiray iyo kunka jaamacadood ee aad ka soo baxday.

 

Aan ku soo noqdo dulucda maqaalka ee waxa laga hadlayaa waa madxaf laga furi doono Hargaysa halkii khayriyadda la odhan jiray labada sanno ee soo socda xilli ka mida inkastoo aanu garanayn xilli ay noqonayso Agaasimahan seexday, Isagoon aan Carrabka si toosa ugu dhufan xilli cayiman waayo waa meel aan qorshe jirin, oo kuwan uu la hadlayo ee hortiisa fadhiya iyo dadwanaha reer Somaliland ee hawadda ka daawan doona qudbadiisan iska malo awaalka.


Aniga iyo dhawr qof oo aanu asxaab nahay oo ka faalooday khudbadan madasha laga jeediyay waanu ku dawakhnay meel aanu u qaadno. Waayo ma cadda in Meeshan la furay ay sii ahaan doonto bakhaaro alaabta loogu kaydinayo madxafka wayn iyo in ay tahay madxaf labaad, sabatana waxaa leh hadalkaa gole ka fuulka ah ee marba dhinac uu u tuurayay agaasimaha faanka badan ee madaxtooyadda Somaliland ee aan habo yaratee lahayn meel cad oo loo raaco. 

 

Qore: Cabdi Muhumed

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...