Haraduu Ciise Leeyahay, Geele Kuwa Ku Haystoow, Haybtiisa Soo Baro.
BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM [A.S.C.W.R.W.B],
TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA.
MARTI MAAHA CIISUHU.
BIYAHAN DEEBLEH IYO HORO,
HARGEYSABAN WADA HELIN,
HARADUU CIISE LEEYAHAY,
GEELE KUWA KU HAYSTAA,
HOGA DHALASHADIISIYO,
HAYBTIISANAY GARANAYN,
HADIYAD LOOMA SIININE,
HANTIDIISI WEEYAAN,
HARADAA AG JIIFTEE,
HARERTISA WADHANBU,
HARAAD UGA BAKHTIYAYO,
HACOO AYDIN MOODEEN,
HA HIRQADO HADDERTABA,
HOYGIISI WEEYE HAGARLA’AN,
HA MAAMULO HANTIDISI WEEYE,
HAQAB LA,AN HA DHAANSADO.
HADAL HADDAAD KA LEEDIIN,
HORJOOGSO KII AWOOD LAHOW,
HORAY BAY UGU EKOONAYDE,
HARAADBU IN BADAN QABABAY,
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!