Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo lagu eedeeyay Dhulboob iyo Barakicin.

0
Monday December 28, 2020 - 16:17:50 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1733
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo lagu eedeeyay Dhulboob iyo Barakicin.

    Jamaal Cabdi Cabdulle oo hooyadii ay geeriyootay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jamaal Cabdi Cabdulle oo hooyadii ay geeriyootay

No description available.



Qoys soomaaliyeed oo dhul baaxad leh ku leh deegaanka arbacow ee ceelasha biyaha Ee Gobalka shabeelaha hoose oo warbaahinta kula hadlay deegaankaas ayaa xusay in taliyaha Ciidanka Booliiska soomaaliyeed uu awood Dowladeed uu adeegsanayo si uu u hantiyo dhulkaas

 

Jamaal Cabdi Cabdulle oo hooyadii ay geeriyootay intii uu socday kiiska dhulkan ayaa sheegay in dul ay leeyihiin lagu boobayo Shaati Dowladeed iyo awood ciidan , sidoo kale Cabdi Cabdulle Maxamed oo ah 97 jir mudo dheer ku noolaa deeganka aad looga yaqaano ahna aabaha qoyskan ayaa sheegay in dadka ku nool deegaanka ceelasha biyaha ay yaqaanaan dhulkan iyo cidda leh isla markaana dadka deegaanka ay kala garanayaan balse Waxa uu madaxda DFS ugu baaqay in wax laga qabto cabashadooda.

 

Safiya Cabdulle Maxamed oo ka mid ah qoyskan ayaa sheegtay in ay ka quusteen garsoorka soomaaliya iyo Madaxda DFS qoyska ay wadaan qorshe ah in ay ka dacweeyaan dalka Canada si kiiskan wax looga qabto oo ay dalkaas ka dacweyn doonaan maadaama taliyaha booliiska uu heysto dhalasho Canada ah

 

Kiisaska la xiriira muranka dhulalka ayaa ku badan qaar ka mid ah gobalada dalka mana jirto maxkamad iyo garsoor u gaar ah oo leh go’aan ka gaarida howshan la xiriirta muranka dhulalka .

Loading...
Loading...