Ma Dhabbaa In Jabuuti Ay Xeebta Somaliland Ka Qodanayso Ceelel Ay Ka Qaadato Biyo Macaan Oo Ay Dadkeedu Helaan

0
Monday December 28, 2020 - 13:35:18 in News by
  • Visits: 1677
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Dhabbaa In Jabuuti Ay Xeebta Somaliland Ka Qodanayso Ceelel Ay Ka Qaadato Biyo Macaan Oo Ay Dadkeedu Helaan

    Ma Dhabbaa In Jabuuti Ay Xeebta Somaliland Ka Qodanayso Ceelel Ay Ka Qaadato Biyo Macaan Oo Ay Dadkeedu Helaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma Dhabbaa In Jabuuti Ay Xeebta Somaliland Ka Qodanayso Ceelel Ay Ka Qaadato Biyo Macaan Oo Ay Dadkeedu Helaan



Djibouti(HWN):- Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa qorshaynaysa sidii ay Somaliland uga qodan lahayd ceelel biyo macaan ah oo ay dhuumo kaga qaadato deegaannada ku yaalla Gobolka Salal ee Galbeedka Somaliland si ay ugu kabto Biyaha macaan ee uga yimaadda dhinaca waddanka Itoobiya oo ay muddooyinkii ugu dambaysay oo dhan kasoo qaadan jirtay kuna tiirsanayd si la mid ah sida ay korontada uga soo qaataan.

Dalxiiska Somaliland - Wikiwand



Hadal hayn badan oo ku aaddan mashruucan Jabuuti ku doonayso in ay Biyo Macaan oo dadkeedu cabaan kaga qaadato Somaliland ayaa qabsaday Baraha Bulshada iyo goobaha dadku ku kulmaan, hadal hayntaasi oo ku soo beegmaysa safarka waftiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu ku joogo maalmihii ugu dambeeyey waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti kadib Martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa waddanka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.


Ilo-wareedyo u dhuun daloola Mashruuca Jamhuuriyadda Jabuuti ku doonayso in ay Biyo kaga qaadato dhulka Xeebta Galbeed ee Somaliland ayaa wargeyska Foore u xaqiijiyay in mashruucaasi jiritaankiisu sugan yahay, wallow aanay labada dawladood midna si rasmi ah uga hadal hadal haynta la xidhiidha ama ka soo baxaysa hirgelinta Mashruucan. Sidoo kale waxa aan Iyana la ogayn in doonista ay Jabuuti ku doonayso in ay ceelel Biyood kaga qodato Somaliland si ay dadkeeda ugu hesho Biyo haqab la’aan ah oo Macaan ay ka qayb ka ahayd Ajandayaasha ay kulankooda kaga wada hadleen Madaxweynayaasha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.


Ilo-wareedyadani waxa ay tibaaxeen in Goobo u dhaw deegaanka Tokhoshi ay ka mid tahay goobaha u calaamadsan ee ay Jabuuti doonayso in ay ka qodato ceelel biyood oo marka ay dhammays tirto ay biyahaasi kaga qaadato dhuumo waaweyn oo toos biyaha u geeya Jamhuuriyadda Jabuuti.


Waddanka Jabuuti oo deegaan ahaan ahaan cimiladiisu kulushahay ahna dhul xeeb ah ayaa sidoo kale ah dhul buuralay ah oo oomane ah oo aan lahayn ceelel biyood iyo biyo fadhiisinno toona taasi oo keentay in ay Jabuuti sannadihii ugu dambeeyey oo dhan Biyo xaddi badan ah ka soo qaadato dhinaca waddanka Itoobiya oo ay sida Somaliland leeyihiin xuduud dhinaca Barriga ah. Sidoo kale Jabuuti waxa ay qayb ka mid ah korontada ay isticmaasho ka soo qaadataa waddanka Itoobiya oo ay leeyihiin xidhiidh Ganacsi oo ballaadhan. Dhinaca Somaliland waxa ay Jabuuti hore uga qaadan jirtay Carro ama ciid badan oo ka mid ah ciidda lagu dhiso guryaha oo ay ka qaadan jireen dooxda waaweyn ee xeebta Somaliland.

Loading...
Loading...