Midawga Yurub Iyo Maraykanku Dhabarka U Jeediyey Xukuumadda Muuse Biixi Iyo Halka Xaajadu Ka Xumaatay

0
Monday December 28, 2020 - 13:31:39 in News by
  • Visits: 2674
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Midawga Yurub Iyo Maraykanku Dhabarka U Jeediyey Xukuumadda Muuse Biixi Iyo Halka Xaajadu Ka Xumaatay

    Midawga Yurub Iyo Maraykanku Dhabarka U Jeediyey Xukuumadda Muuse Biixi Iyo Halka Xaajadu Ka Xumaatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Midawga Yurub Iyo Maraykanku Dhabarka U Jeediyey Xukuumadda Muuse Biixi Iyo Halka Xaajadu Ka Xumaatay

Hargeysa, (HWN)- Siyaasi Cali Yuusuf "Cali Gurey”, ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisa ay Beesha Calamku dhabarka u jeedisay,ka dib markii ay ka biyo diideen qaabka uu wax u waddo iyo maamulkiisa,waxaanu sheegay inay biyo diidsan yihiin qaabka uu wax u waddo Madaxweyne Muuse Biixi.



The United States and the EU - European External Action Service

Siyaai Cali Gurey oo la hadlayey Telefishanka Saabtv ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo Maraykanku ay dhabarka u jeediyeen Madaxweyne Biixi iyo Xukuumadiisa,isla markaana aanay wax marti-qaad ah u fidin doonnin Madaxweyne Biixi iyo Xukuumaddiisa "Reer Galbeedku waa EU-da iyonorth America Muuse Biixi wey yaqaanaan, wixii ay Somaliland soo martay iyo geedi socodka ay soo socotay wey wadda yaqaanaan, halka aynu marayno wey og yihiin weliba kuwa inoogu dhadhow ee ina caawiyaa kuma faraxsana sida uu Muuse Biixi wax u waddo iyo Dowladnimadii iyo dimuqraadiyaddii aynu soo dhisanaynay halka ay maanta marayso.”ayuu yidhi


Dhanka kalene Siyaasi Cali Gurey oo haddalkiisa sii wata ayaa sheegay in aanay arrinta ugu weyn ee ay Beesha Caalamku ku Qaniintay Madaxweyne Biixi ay tahay qadiyadii Komishanka ee Riyo Raac "Dabcan mana marti qaadin mana marti qaadayaan ayey ila tahay kuwaasi,in aanu cidna wax ka dhegaysan Xisbiyona wax ka dhegaysan, arrintii yarayd ee Komishanka ayaana ah arrimaha lagu qiimeeyey Muuse ee ugu waa weyn,isagu inuu guuleystay ayuu u yaqaan markii uu Riyo raac ku dheganaa ,lakiin waxay kamid tahay arrimaha ugu waa weyn ee ay EU-da iyo ku go’aan qateen nooca hoggaaminta Muuse, markaa haddaanay hubin in wax is baddel ah aanu keeni karrin ay ku qanacsan yihiin .”


Gunaanadkii Siyaasi Cali Gurey ayaa sheegay in kaliya ay Beesha caalamku ku khasbayaan Madaxweyne Biixi inuu hirgeliyo doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo Deegaanka, balse aanay rajo kale ka lahayn"Doorashooyinka ugu yaraan tan is xambarka ahi inay dhacdo inay ku yara duducaan mooyaane rajo dheer kama qabaan, marka ay Xukuumaddi shaqayn weydo ee sharci dejinti shaqayn weydo ee garsoorkii shaqayn waayo, waxaa jira awood ka sarraysa intaas oo dhan awoodaasina waa awooda dadka, nasiib darro Somaliland Awooda dadlka ma laha, cid kalena kamay qaadin ee iyaga ayaa iska qaaday oo qabyaaladooda iyo qayb-qaybsanaantooda ayaa ka qaaday,dad markaa middoobi karra oo u middoobi karra dantooda ma’aha .”ayuu yidhi

Loading...
Loading...