Guddoomiye Ku-Xigeenka Golaha Wakiillada Somaliland Oo Beeshiisu Ka Diiday Hunguraynta Kursigii Uu 15 Sano Ku Fadhiyey

0
Monday December 28, 2020 - 13:24:08 in News by
  • Visits: 1908
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Ku-Xigeenka Golaha Wakiillada Somaliland Oo Beeshiisu Ka Diiday Hunguraynta Kursigii Uu 15 Sano Ku Fadhiyey

    Guddoomiye Ku-Xigeenka Golaha Wakiillada Somaliland Oo Beeshiisu Ka Diiday Hunguraynta Kursigii Uu 15 Sano Ku Fadhiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye Ku-Xigeenka Golaha Wakiillada Somaliland Oo Beeshiisu Ka Diiday Hunguraynta Kursigii Uu 15 Sano Ku Fadhiyey



Boorama(HWN):-Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, ayaa la sheegay inuu quuldaraynayo inuu mar kale u tartamo Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee la filayo inay sannadka 2021-k, ka qabsoonto dalka,isla markaana uu beeshiisa ku metelo kursiga uu shan iyo tobanka sanno hayey, haseyeeshee Beeshiisa ayaa si weyn ugu soo horjeesatay qorshahiisa,waxaanay sheegeen in aanay raali ka ahayn inuu mar kale ku metelo Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland ee mustaqbal soo socda.

DAAWO-XIL AXMED YAASIIN SHEEKH CALI AYAANLE OO SI QOTO DHEER UGA HADLAY DOORKA DHALINYARADU KU LEEYIHIIN TALADA DALKA | Laascaanood.com


Wax-garadka beesha uu ka soo jeedo Xildhibaan Axmed Yaasin oo war-baahinta kula hadashay Magaalada Boorama ayaa sheegay in aanay marnaba diyaar u ahayn in ay doortaan mar kale Xildhibaan Axmed Yaasiin oo shan iyo toban sanno ahaa xildhibaan ku metela Golaha Wakiillada Somaliland ee hadda uu wakhtigoodu sii dhammaanayo.


Waxaana kamid ahaa haddaladoodii "Waxa aanu annagu nahay Beesha Aadan Yoonis odayaashii Wax-garadkii ,Cuqaashi , Dhalinyaradi Iyo Haweenkii ,waxaa aanu maanta leenahay Axmed Yaasinow 15 shan iyo toban sanno ayaad fadhidaa kursiga ilmihii maalintaa dhashay wuu codaynayaa ,waxa nasiib darro ah in aad tidhaah-do haddana waan u hamuum qabaa halkii ayaan rabbaa tolkay ha idoorto,taas oo nasiib xumo tol ahaana waa nagu ceeb, ummaddaha kale ee reer Somaliland wey nagu caayayaan oo Axmed Yaasin nin dhaama miyey waayeen ayaa nagu filan,Axmed Yaasin waxaan leeyahay xilku waa wareegto ee ma’aha dhaxal.”ayey sheegeen.


Waxaanay intaas ku sii dareen "Maanta waa noo guul-darro Xildhibaankaagii 2005kii la doortay in aad 2021-kana aad tidhaah-do Xildhibaan ayuun-baan ahaanayaa i doorta, gacantii aanu kugu codaynay 2005-tii annaga ayey nagu taalaa,waxaan leeyahay xukun jacaylka iyo kursi jacaylku caqabadu baddan ayuu keenaa ..”ayey sheegeen.


Dhanka kalene waxay sheegaan in ay diyaar u yihiin inay u codeeyaan haddii uu u ordayo Madaxweyne Ku-xigeen, balse aanay ka filayn inuu yidhaah waxaan doonayaa mar kale in aan idinku metelo kursiga Xildhibaanimada Golaha Wakiillada ee aan shan iyo tobanka sanno hayey”Halkan Waxaan kala hadlayaa Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle Xildhibaan waanu ku dooranay 2005-tii maanta waxaan moodayey in aad kursiga ka kortay oo aad Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen raadinayso diyaarna aan u ahayn haddii aad tidhaah Madaxweyne ku-xigeen ayaan u ordayaa in aanu kuu codayno, lakiin in aad tidhaah haddana maanta Xildhibaan aad shan iyo toban sanno ahayd ayaan doonaya haddana ee ii codeeya marnaba kaa yeeli mayno.”ayey sheegeen.

Loading...
Loading...