Afhayeenka Xisbiga Waddani Oo Si Adag U Dhaliilay Taliyaha Ciidanka Booliska

0
Monday December 28, 2020 - 09:41:25 in News by
  • Visits: 1516
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeenka Xisbiga Waddani Oo Si Adag U Dhaliilay Taliyaha Ciidanka Booliska

    Afhayeenka Xisbiga Waddani Oo Si Adag U Dhaliilay Taliyaha Ciidanka Booliska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka Xisbiga Waddani Oo Si Adag U Dhaliilay Taliyaha Ciidanka Booliska


Hargeysa(HWN):-afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batuun ayaa si adag u eedeeyey taliyaha ciidamada booliska sareeye Guuto Maxamed Saqadhi Dabagale.

Mohamed Adan Saqadhi - Wikipedia


afhayeen Barkhad Batuun ayaa qoraal uu soo saaraay waxa uu ku sheegay in taliye Dabagale uu ku fashilmay hogaaminta ciidanka booliska oo duruufo adag ku shaqaynaya, isaga oo xusay in ciidankaasi u baahan yahay hogaan la mid ah midka ciidanka Asluubta.


afhayeen Barkhad ayaa qoraalkiisu u dhignaa sidan:- Ugu horreyn waxaan si kal iyo laab ah hambalyo iyo bogaadin ugu diraya dhammaan Maxaabisti shalay ku qalin-jebisay jeelka weyn ee Magaaladda Hargeysa, marka xigtana waxaan bogaadin labaad u diraya Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland, Ciidankiisa Asluubta oo dhan iyo Maamulka, Madaxda Jaamacadda BEDER.


Tallaabo qiimo weyn u leh qarannimadeena, Maxaabiisteena, Ciidankeena Asluubta ayaa shalay la qabtay, Xeerkeena Ciqaabta iyo xeerarka kale ee duniduba waxa ay dhigayan qof kasta oo Maxbuus ahi muddada xadhigiisa in loo sameeyo "Rehabilitation and Skill center” Xarun maankiisa lagu kobciyo maskax ahaan iyo meel lagu baro xirfad oo isagoo maxbuuski muruq maal ah bulshadi muddada dheer u ka xidhnaana marka la soo daayo la jaan-qaadi karo, Isaga oo kaalin ka qaadan kara nolosha bulshada balse aan aheyn mid dib ugu noqonaya dembiyadi horre ee u galay.


Arinta shalay dhacday waxa ay ina tusaysaa Aqoonta hoggaamineed ee Taliyaha Ciidanka Asluubta, Oo runti gartay xuquuqda muwaadiniinta xabsiyada ku jirta iyadoo marka horrena Ciidanka Asluubtu yihiin kuwa aad ka arkayso Asluub iyo Amaano marka aad Xabsiyada booqato tababar wacanna qaba.


Haddaba waxaa habboon in Ciidankeena Booliska oo Saaxiibka dadweynaha ah laakin Sibitoor dadweyne loo eekaysiiyey loo helo Taliye aqoon ciidan leh, Xuquuqaha ciidankana ilaalin kara sharafta shacabkana dhowri kara .


Talladeydu waxa ay tahay Ciidanka Boolisku Taliyaha Ciidanka Asluubta oo kale ayuu u baahan yahay Mudane’ Madaxweyne.



Loading...
Loading...