Siyaasi Cali Guray Muxuu Kaga Jawaabay Baaqa Ka Soo Baxay Hadhaaga Aas-aasayaashii SNM Iyo Aqoonyahanka Wehelinayey?

0
Monday December 28, 2020 - 09:32:02 in News by
  • Visits: 2825
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Cali Guray Muxuu Kaga Jawaabay Baaqa Ka Soo Baxay Hadhaaga Aas-aasayaashii SNM Iyo Aqoonyahanka Wehelinayey?

    Siyaasi Cali Guray Muxuu Kaga Jawaabay Baaqa Ka Soo Baxay Hadhaaga Aas-aasayaashii SNM Iyo Aqoonyahanka Wehelinayey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Cali Guray Muxuu Kaga Jawaabay Baaqa Ka Soo Baxay Hadhaaga Aas-aasayaashii SNM Iyo Aqoonyahanka Wehelinayey


Hargeysa(HWN):-Siyaasi Cali Guray ayaa ka hadlay baaqii ka soo baxay hadhaaga aas aasayaashii SNM iyo aqoonyahankii wehelinayey.

Qoladdan Baarlamaanka Wallaahiddii Beenta Ahayd-baa Wadnaha Caddaysay….”Siyaasi Cali Guray – HargeisaPress


Siyaasi Cali Guray ayaa qoraal soo saaray waxa uu kaga dareen celiyey qodobadii uu ka koobnaa baaqa ka soo baxay hadhaaga aas aasayaashii SNM, isaga oo sheegay inay ahaayeen kuwa ay somaliland u dhimatay eel agama maarmaanka u ahaa jiritaanka dalka.


Siyaasi Cali Guray ayaa qoraalkiisu u dhignaa sidan:- Waa inta somaliland u dhimatay ee ha moodina wax kale, Kulanka ay maanta ka soo baxeen 15kan qodob wuxu ahaa kulan khayr qaba waayo 15ka qodobba waxay taabanayaan ahmiyadaha qaranka ee leh mudnaanta koobaad balse waa marka wax laga eegayo dhinaca danta shacbiga Somaliland iyo higsigoodii dawladnimo wanaagga.


Nasiib darro hadana ka mid maaha ahmiyadaha gaarka ah ee uu mudnaanta koobaad siiyo Madaxwayne Muuse Biixi. Nasiib darro Madaxwaynaha dantiisu waxay ahayd in ay noqoto danta dadka igmaday ee uu Madaxwaynaha u yahay.


Bal dib ugu noqda iska daa mudnaan uu siiyo eh xataa soo hadalqaadkooda laga maqlay. Taasi waxay ka marag kacaysaa in Madaxwaynaha iyo shacbigiisu ay kala dan yihiin ee aanay isku danba ahayn. Soomaalidu waxay tidhi WAXA UMUSHA U DAN AH AYAA ILMAHANA U DAN AH. Madaxwayne Muuse waxay ahayd markaa in waxa u dan ahi uu noqdo waxa dadkiisa u dan ah. Saaxiibadaydii halganka waxan leeyahay جزاكمالله خيراً

Loading...
Loading...