'' Yaa ka dhex hadlaya '' . Ahmed Nour Guruje

0
Monday April 29, 2019 - 13:30:17 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1642
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Yaa ka dhex hadlaya '' . Ahmed Nour Guruje

    Qowmiyadda loo yaqaano Singa singaha ee ku nool arladda Hindiya waxay aamin san yihiin in marka qof Singa singa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qowmiyadda loo yaqaano Singa singaha ee ku nool arladda Hindiya waxay aamin san yihiin in marka qof Singa singa ah uu dhintaba ay naftiisu gelayso qof cusub oo sing ah oo dhalanaya , nafta siinkuna sidaa ugu kala wareegayso dhexdooda .

Dhinaca kale , Soomaalidana waxaa kusoo batay baryahan danbe qof Nool oo hadlaya oo hadana la leeyahay waxaa galay qof kale oo ka dhex hadlaya , labadan dhacdaba waa laba dhacdo oo cajaayiba , hasa yeeshee wax kale ayaa ka yaab badan .



Waxaa jirra qof hadlaya , oo baraha bulshada wax ku qoraya , oo waxa uu ku hadlayaaba ay yihiin wax qof kale leeyahay uu uu isagu magaciisa ku gudbinayo


Maxaa laggu garan karaa .

Binu'aadamku waa cajaayib sidda alle u abuuray , qof qof la noocina ma jirro , mana jiri doono ilaa Xaawa iyo Aadam ilaa Qiyaamaha , qof kastaana waa nooc gaara oo mar uun Aduunyadda soo maraya .


waxyaabaha dadku ku kala duwan yahay ee ugu sahlan waxaa ka midda , Farta , qofku marka uu qalinka qabsadana waxa u tilmaamaysa nooca uu xarfaha u dhigayo Maskaxda , maskaxdana waxaa xukuma fikirka , fikirkuna waaba halka dadku ku kala duwan yahay , Aduunyadan casriga ahna Saxeexa ugu muhiimsan ee la aaminaaba waa farta qofka .

Dhinaca kale , dadku wuxuu ku kala duwan yahay turjumaada maskaxdu ku samayso aragtiyaha qofka kasoo maaxanaya iyo sidda uu fikradihiisa usoo bandhigayo .


Maskaxdu sidee bay u shaqaysaa .

Maskaxda Binu'aadamku waxay kobocdaa marka qofku dhasho ilaa 6 sanadood ee ugu horeeya noloshiisa , waxaana raadeeya waxa ku duubma mudadaa maskaxdu korayso iyo deegaanka uu ku barbaaro .


Sidaa markay tahay , qof waliba wuxuu usoo bandhigaa aarahdiisa si u gaara oo ku salaysan sidda gaarka ah ee maskaxdiisu u fikirayso oo ku xidhan sidda ay soo barbaartay.


Sidaa markay tahay , sida codka iyo luuqda aadamahu u kala duwan yahay ,sidda dhawaaqa iyo hadalka dadku u kala duwan yahay , sidda socodka iyo muuqaalka dadku u kala duwan yahay ,ayaa qoraalka dadkuna u kala duwan yahay .


Fikirka qofka , Xulashada ereyadiisa , doorashada mawduuca iyo farshaxanka laba qof oo walba waa mid kala duwan .

Sidaa markay tahay , markaad si ugu fiirsato dad badani mawduucyada ay ka hadlayaan iyo qoraaladda ay soo qorayaan qofka hadlaya qofka uu yahay , waxaana kuu muuqanaya qofka lagga dhex hadlayo iyo qofka ka dhex hadlayaba .


Hadii aad u baahato in aad xaqiijisana is barbar dhig ku samee labada qof ee aad uga shikado in ay iska dhex hadlayaan adigoo kasoo qaadanaya qoraalo is leeg , ka dibna xukunka u rid dhinaca culayska isu eekaanshuhu u bato .


W/Q: Ahmed Nour Guruje

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...