'' Yaa ka dhex hadlaya '' . Ahmed Nour Guruje
Dhinaca kale , Soomaalidana waxaa kusoo batay baryahan danbe qof Nool oo hadlaya oo hadana la leeyahay waxaa galay qof kale oo ka dhex hadlaya , labadan dhacdaba waa laba dhacdo oo cajaayiba , hasa yeeshee wax kale ayaa ka yaab badan .
Waxaa jirra qof hadlaya , oo baraha bulshada wax ku qoraya , oo waxa uu ku hadlayaaba ay yihiin wax qof kale leeyahay uu uu isagu magaciisa ku gudbinayo
Maxaa laggu garan karaa .
Binu'aadamku waa cajaayib sidda alle u abuuray , qof qof la noocina ma jirro , mana jiri doono ilaa Xaawa iyo Aadam ilaa Qiyaamaha , qof kastaana waa nooc gaara oo mar uun Aduunyadda soo maraya .
waxyaabaha dadku ku kala duwan yahay ee ugu sahlan waxaa ka midda , Farta , qofku marka uu qalinka qabsadana waxa u tilmaamaysa nooca uu xarfaha u dhigayo Maskaxda , maskaxdana waxaa xukuma fikirka , fikirkuna waaba halka dadku ku kala duwan yahay , Aduunyadan casriga ahna Saxeexa ugu muhiimsan ee la aaminaaba waa farta qofka .
Dhinaca kale , dadku wuxuu ku kala duwan yahay turjumaada maskaxdu ku samayso aragtiyaha qofka kasoo maaxanaya iyo sidda uu fikradihiisa usoo bandhigayo .
Maskaxdu sidee bay u shaqaysaa .
Maskaxda Binu'aadamku waxay kobocdaa marka qofku dhasho ilaa 6 sanadood ee ugu horeeya noloshiisa , waxaana raadeeya waxa ku duubma mudadaa maskaxdu korayso iyo deegaanka uu ku barbaaro .
Sidaa markay tahay , qof waliba wuxuu usoo bandhigaa aarahdiisa si u gaara oo ku salaysan sidda gaarka ah ee maskaxdiisu u fikirayso oo ku xidhan sidda ay soo barbaartay.
Sidaa markay tahay , sida codka iyo luuqda aadamahu u kala duwan yahay ,sidda dhawaaqa iyo hadalka dadku u kala duwan yahay , sidda socodka iyo muuqaalka dadku u kala duwan yahay ,ayaa qoraalka dadkuna u kala duwan yahay .
Fikirka qofka , Xulashada ereyadiisa , doorashada mawduuca iyo farshaxanka laba qof oo walba waa mid kala duwan .
Sidaa markay tahay , markaad si ugu fiirsato dad badani mawduucyada ay ka hadlayaan iyo qoraaladda ay soo qorayaan qofka hadlaya qofka uu yahay , waxaana kuu muuqanaya qofka lagga dhex hadlayo iyo qofka ka dhex hadlayaba .
Hadii aad u baahato in aad xaqiijisana is barbar dhig ku samee labada qof ee aad uga shikado in ay iska dhex hadlayaan adigoo kasoo qaadanaya qoraalo is leeg , ka dibna xukunka u rid dhinaca culayska isu eekaanshuhu u bato .
W/Q: Ahmed Nour Guruje
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





