Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Ku Dhawaaqay Inay La Hadlayaan Madaxda Tabashada Ka Qabta Doorashooyinka

0
Monday December 28, 2020 - 08:09:50 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 737
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Ku Dhawaaqay Inay La Hadlayaan Madaxda Tabashada Ka Qabta Doorashooyinka

    Rooble oo Shir jaraa'id xafiiskiisa ku qabtay ayaa waxaa uu sheegay inuu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rooble oo Shir jaraa'id xafiiskiisa ku qabtay ayaa waxaa uu sheegay inuu




Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir muhiim ah la qaatay wakiiladda iyo safiiradda Dalalka Caalamka u jooga Soomaaliya, isagoo kala hadlay arrimo kala duwan.

 

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Beesha Caalamka ayaa ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashada dhacaya dhammaadka 2020/21, xili uu weli muran ka taagan yahay.

 

Waxaa uu caddeeyay Ra’iisu wasaaraha sida ay xukuumadda uga go’an tahay qabashada doorasho nabdoon in xukuumadda ay ka go’an tahay qabashada doorasho si nabdoon uga dhacda dalka.

Rooble oo Shir jaraa’id xafiiskiisa ku qabtay ayaa waxaa uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu la fariisto cid kasta oo cabasho ka qabta arrimaha doorashooyinka, wuxuuna tilmaamay in la xalinayo khilaafyada taagan.

 

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha ayuu Ra’iisul wasaaraha u caddeeyay inuu xafiiskiisa u furan yahay, isla markaana uu diyaar u yahay in xalinayo tabasho kasta oo ka qabaan doorashada, lana xaliyo muranka taagan.

 

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay is dejiyaan, isla markaana dalka ay ka dhaceyso doorasho nabad ah, wuxuuna yiri "aniga masuul ka ah xukuumadda, Ra’iisal Wasaarahana ka ah waxaan idin sheegayaa inaan diyaar u ahay inaan qof kasta qaabilo, kalana hadlo wixii caqabad ah ama cabasho ah ay dareemayaan”.

 

Si kastaba hadalka Ra’iisul Wasaare rooble ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyadoo weli uu muran ka taagan yahay doorashada dalka ka dhaceysa, Musharaxiintana ay kasoo horjeedan Guddiyada la magacaabay oo muranka uu ka taagan yahay.


Loading...
Loading...