Fadhigii Golaha Guurtida Somaliland Oo Koram La'aan Ubaaqday

0
Monday December 28, 2020 - 07:58:55 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 864
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadhigii Golaha Guurtida Somaliland Oo Koram La'aan Ubaaqday

    "Sidoo kale Siciid Jaamac waxaa uu xildhibaanada cudur-daar la'aanta ku maqan ugu baaqay in ay soo xadiraan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sidoo kale Siciid Jaamac waxaa uu xildhibaanada cudur-daar la'aanta ku maqan ugu baaqay in ay soo xadiraan"

Hargeysa (HWN) Fadhigii shalay ee golaha guurtidda Somaliland, ayaa baaqday kadib markii aanay soo xaadirin xildhibaano buuxin kara koramka golahaasi.

 

Golaha guurtidda Somaliland, oo ka kooban 82 xildhibaan, ayaa inta badan fadhiyada golahaasi waxaa uu sharcigu dhigaya 42-mudane, ahna tirada koramka, islamarkaana haddii tiradaasi la waayo aanay suurogal ahayn in fadhigaasi furmo.

 

Caadi ahaan koramka la doonayo in uu ku buuxsamo fadhiga maalinlaha ah ee golaha guurtiddu ayaa ah 42 muddane.

 

Xughayaha guud ee golaha guurtidda Somaliland, garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi ayaa mid mid u xaadiriyay magacyada 82-ka mudane ee golahaasi ka kooban yahay.

 

Guddoomiye  ku xigeenka kobaad ee golaha guurtidda mudane Siciid Jaamac Cali,oo shir-guddoominayay fadhigii saaka ee golahaasi ayaa sheegay in koramku aanu buuxsamin, islamarkaana muddanayaasha aan koram soo xadirin  ay isugu jiraan kuwo xannuunsanaya iyo kuwa diwaangelinta codbixinta ku maqan iyo kuwa bila cudur daar ku maqan.

 

Sidoo kale Siciid Jaamac waxaa uu xildhibaanada cudur-daar la’aanta ku maqan ugu baaqay in ay soo xadiraan.

 

 

 


Loading...
Loading...