Ceelasha Biyaha Ee Waraabiya Hargeysa oo la Baadhayo + Sababta

0
Monday December 28, 2020 - 07:51:03 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1918
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ceelasha Biyaha Ee Waraabiya Hargeysa oo la Baadhayo + Sababta

    "Magaalada Hargaysa ayaan helin biyo kuwada filan magaalada oo wada gaadha"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Magaalada Hargaysa ayaan helin biyo kuwada filan magaalada oo wada gaadha"

Hargysa (HWN) Xafiiska shaybaadhaka Hubinta tayada Biyaha Hargeysa ayaa shaqadisii ugu horaysay ka bilaabay Ceelashada Biyaha deegaanka Aw-Barkhadle ee ay Booyadahuhu kasoo dhaamiyaan.

 

Xubno kamid ah Xafiiska shaybaadhaka Hubinta tayada Biyaha oo katirsan Wakaaladda Biyaha  Hargeysa ayaa sheegay inay goobta Ceelasha Aw-Barkhadle ee biyaha looga dhaamiyo Hargeysa ay inay ka bilaabeen Hubinta tayada biyaha halkaasi laga soo qaaddo taas oo ay ka cabbaan dadweynuhu.

 

Masuuliyiinta shaybaadhaka Hubinta tayada Biyaha ee Hargeysa ayaa sheegay in ceelasha Biyaha ay ka baadhi doonaan Fayadhowrkooda iyo waxkasta oo halis caafimaad ku keeni kara bulshada looga soo dhaamiyo Biyaha Haday tahay Waxyaabaha Ili-ma-aragtayda ah iyo waxyaabaha Kiimikaalka ah ee ceelasha kasoo raaci kara.

 

Xubno kamid ah Booyadlayaasha biyaha u dhaamiyaha Hargeysa iyo dadka iska leh Ceelasha biyaha laga soo dhaamiyo ayaa soo dhaweeyay hubinta iyo baadhista laga bilaabay Ceelashada biyaha ee Aw-barkhadle.

 

Magaalada Hargaysa ayaan helin biyo kuwada filan magaalada oo wada gaadha, waxaan la musuqmaasuqay mashaariic badan oo beesha caalamku ku caawiyeen Somalilad sidii biyo kufilan ay uheli lahayd caasimada Hargaysi, sida mashruucii Xumbowayne.


Loading...
Loading...