Erdogan Oo Sheegay Sababta Uusan Xidhiidh Ula Yeelan Karin Israel

0
Monday December 28, 2020 - 07:43:39 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 822
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Erdogan Oo Sheegay Sababta Uusan Xidhiidh Ula Yeelan Karin Israel

    "Turkiga iyo Israel, oo ahaa xulafo, ayaa midba waxa uu eryay diblomaasiga dalka kale"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Turkiga iyo Israel, oo ahaa xulafo, ayaa midba waxa uu eryay diblomaasiga dalka kale"

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyib Erdogan ayaa sheegay in Turkigu uu jeclaan lahaa in uu xiriir wanaagsan la yeesho Israel, laakiin wuxuu dhaliilay siyaasadda Israel ee ku wajahan Falastiiniyiinta oo uu ku tilmaamay mid "aan la aqbali karin" iyo "khad cas" oo ay leedahay Ankara.

 

Erdogan ayaa si kastaba sheegay in wada-hadalladii sirdoonka ee labada dhinac ay dib u billaabmeen.

 

Labada dal ayaa waxaa soo kala dhex galay khilaaf xooggan sanadihii la soo dhaafay, in kasta oo xiriir ganacsi oo adag uu dhex maray.

 

Ankara ayaa si isdaba joog ah u cambaareysay haysashada Israel ee daanta galbeed iyo sida ay ula dhaqanto Falastiiniyiinta.

 

Isagoo la hadlaya wariyeyaasha kadib salaaddii Jimcaha ee magaalada Istanbul, Erdogan waxa uu sheegay in Turkiga ay aragtiyo ka qabaan "dadka xilalka u sarreeya ka haya” Israel iyo in xiriirku uu sidaas "aad uga duwanaan lahaa” haddii aysan arrimahaasi jirin.

 

Turkiga iyo Israel, oo ahaa xulafo, ayaa midba waxa uu eryay diblomaasiga dalka kale sanadkii 2018-kii, ka dib isku dhacyo ay ciidamada Israel ku dileen daraasiin Falastiiniyiin ah xadka magaalada Gaza. Ankara iyo Tel Aviv ayaa sii wada in ay uu sii shaqeeyo is-weydaarsiga ganacsi ee labada dal.

 

Hadalka Erdogan ayaa imanaya ayada oo dalalka Imaaraadka Carabta, Bahrian, Sudan iyo Morocco oo dhammaantood ah Islaam ay xiriir rasmi ah la aas-aasteen Israel.

 

VOA


Loading...
Loading...