Siyaasi Ismaaciil Buubaa Oo Ka Hadlay Kulan Dhexmaray Madaxweyne Farmaajo Iyo Faragelin Imaaraadku Ku Hayo Somaliland
Hargeysa(HWN):-Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hure Buubaa oo ka mid ah xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka hadlay kulan uu la qaatay madaxweynaha soomaaliya.

Siyaasi Buubaa ayaa soo bandhigay waxyaabaha ay ka wada hadleen madaxweyne Farmaajo oo uu sheegay inay ku kulmeen wadanka Qatar, waxaanu yidhi "Way ii qorshanayd inaan Qatar tagay laakiin waxa isku soo hagaagay markii aan Qatar joogay iyo booqasho kedis ah oo uu ku yimid madaxweynaha soomaaliya Farmaajo, waana jirtay in mar haddii uu meesha joogo aanu arimaha wada eegno, arimaha aan anigu dhinacayga u baaciyey waxay ahayd halka ay somaliland dal iyo dawlad ahaanba joogto, deganaanshaha ka taagan, wixii laysku odhan jiray jamhuuriyadii soomaaliyeed inaanay maanta jirin ee ay laba wadan oo somaliland iyo soomaaliya oo lixdankii isku yimid ay midiba gooni u taagan tahay, in si wanaagsan loo wada fadhiisto oo loo wada hadlo, arimaha murugsana laga saaro muruga.”ayuu yidhi siyaasi Buubaa oo u waramay universaltv.
Siyaasi Buubaa ayaa intaas raaciyey "Dadku waa inay si wanaagsan u fahmaan xisbiga mucaaridku waa xisbi danaha qaranka masuuliyad wayni ka saaran tahay, arimahana guud ahaan shaqadayada ayaa ah oo waxaaban ahay siyaasi waliba u dhuun daloola geeska Afrika.”
Sidoo kale siyaasi Buubaa ayaa kulanka uu la qaatay madaxweyne Farmaajo waxa uu ku macneeyey sidan "Arintu maaha dawlad lala hadlayo balse waa qof shakhsi ah oo maxamed Farmaajo la yidhaa oo imika madaxweyne ah oo ay noqotay inaanu iska hor nimaadno oo aanu is aragno, kala waji dadbi mayno waa is waraysanaynaa oo waxbaanu iswaydinaynaa, dadkuna inuu nuglaado oo marka laysku yimaado loo qaato in adiga lagaa gacan sareeyo oo lagu isticmaalayo oo aad tahay qofka aan cidna waxba gaadhsiin Karin ee lagugu shubanayo anigu waxaan u arkaa inay tahay daciifnimo siyaasadeed.”
Siyaasi Buubaa oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Mushkilada taagani waa cuqdad taagan, aniguna wakhti ku lumin maayo in qof cuqdadi ku jirto aan ka baabiiyo cuqdadaas, qof siyaasi ah ayaan ahay oo isku kalsoon oo ogsoon waxa uu odhanayo oo ogsoon danaha guud ee maanta yaala waxay yihiin, danta guud ee somaliland ku filan oo cid kasta oo iga hortimaada oo aanu ka wada hadalno aan mawqifkayga ugu baacin karo.”
Dhinaca kale siyaasi Buubaa ayaa sheegay in dawlada imaaraadku ay faragelin ku hayso somaliland waxaanu yidhi "Siyaasada odoroskeedu waxay macno ku samaysaa inaad isku gayn karto waaqicyo kala duwan oo laga yaabo inay si gooniya u kala dhaceen hadana cilaaqaad ka dhaxeeya, anigu waxaan u arkaa wasiirka arimaha dibada ee la socday madaxweynaha markii uu imaaraadka tagay hadaladii uu ku dhawaaqay iyo wasiirka daakhiliga ee dawladu kolkii dambe isaga oo la fadhiya xisbiga mucaaridka ah ee Ucid isaguna arimaha uu ku dhawaaqay ay wax ka dhaxeeyaan, wasiirka arimaha dibadu waxa uu inoo sheegay in arimaha lagu soo heshiiyey imaaraadka ay ka mid ahaayeen sidii loola dagaalami lahaa argagixisada wasiirka daakhiliguna markii uu la fadhiistay Ucid waxa uu sheegay in laga kaaftoomi karo xisbiga Waddani oo doorashada ay qaban karaan xisbiyada Kulmiye iyo Ucid, waxaana la ogsoon yahay in arintaasi ay tahay mid khalkhal iyo dhibaato keeni karta.”
Siyaasi Buubaa oo soo bandhigaya waxyaabaha uga muuqday labadaas dhacdo ee uu xidhiidhka ka dhaxaysiiyey ayaa yidhi "Aniga waxay ila tahay xisbiga Waddani ayaa la janibayaa waxaanan diyaar u nahay argagixiso iyo wixii dhibaato keenaya inaanu shaqo ka qabano dawlada imaaraadkanaarintaas ayaanu kala soo hadalnay cid walba way u cadahay cida loo jeedo iyo sida wadcigu yahay.”
Siyaasi Buubaa ayaa fariin u diray dawlada imaaraadka isaga oo ugu baaqay inay faraha kala baxaan nidaamka doorashooyinka somaliland oo uu tilmaamay inay lug ku leeyihiin waxaanu yidhi "iyada oo aanu ixtiraamayno walaalahayo carbeed ee imaaraadka waxaanu si dheer ugu sheegaynaa inaanaan u dulqaadan doonin wixii aanu u aragno inay burburinayso geedi socodka dimuqraadiyadeed ee dadkayagu doortaysida aanu siyaasadayada u maamulayno.”


0 





