Xarfaha Labanlaabma Ee Afka Soomaaliga: Xarafka L (108 Erey Oo L Labanlaabani Ku Jirto)
Afka Soomaaliga waxa la isla qaatay inay labalaabmaan toddobada xaraf ee kala ah m, n, l, g, r, d iyo b. Malaha hannaan sugan iyo meel lagu koobay ereyada ay ku labanlaaban yihiin iyo kuwa ay keli yihiin ama fudud yihiin. Waa waxyaabaha ugu badan ee keena qallooca qoraalka farsoomaalida.
Caawa ayaan isku deyay inaan maskaxda ka tirakoobo meelaha uu ku labanlaabmi karo xarafka l, waxaanay iigu kala baxeen sidan:
1.Qayb xeer leh
Magacyada lab, ee ka kooban laba alan kuna dhammaada l, marka laga dhigayo wadar waxa labanlaabma xafafka l ee u dambeeya sida:
Hadal: Hadallo
Gobol: gobollo
Maqaal: Maqaallo
Qoraal: qoraallo
Caaqil: caaqillo
Iskuul: iskuullo
Muuqaal: muuqaallo
Dagaal: dagaallo
Wakiil: wakiillo
Dalool: daloollo
Dhambaal: dhambaallo
Aqal: aqalladii
Fasal: fasallo
Socdaal: socdaallo
2. Magacyada hal alanlaha ah qaarkood ee l ku dhammada marka loo rogayo sifo waxa labanlaabanta l u dambaysa, waxaana raaca an.
Eeg kuwan:
Caal: caallan
Qool: qoollan
Jeel: jeellan
Daal: daallan
3. Qaybta saddexaad ee lagu garto xoojinta carrabka, oo aan si kooban uga raadraacay qoraal aan hayay waxa ka mid ah:
1. Aallaa
2. Alla
3. Allaale
4. Alle
5. Allifaad
6. Baalle
7. Baalle
8. Baalleeya
9. Ballaadhan
10. Ballac
11. Ballan
12. Ballaysn
13. Balli
14. Cabdalle
15. Cabdillaahi
16. Cabdulle
17. Daallo
18. Dallaalimo
19. Dallacaad
20. Dalluun
21. Dhallaan
22. Dhallinyaro
23. Dheelli
24. Dhool: dhoollo
25. Dhuulle
26. Dirawallada
27. Doollar
28. Dulli
29. Duullaan
30. Faallo
31. Fallaadh
32. Fallaago
33. Falliidh
34. Geelle
35. Guulle
36. Hallaabay
37. Hallayn
38. Heellan
39. Heello
40. Hillaac
41. Hundulli
42. Illaa
43. Illaw
44. Illeen
45. illin
46. Kalluun
47. Kelli
48. Kellifay
49. Kollay
50. Kulli
51. Laallaada
52. Lallabe
53. Leelleel
54. Loollan
55. Macallin
56. Mallay
57. Malluuq
58. Mullaax
59. Naallo
60. Naalloonaya
61. Oollid
62. Qallaf
63. Qallibmay
64. Qalliin
65. Qallooc
66. Quulle
67. Raalli
68. Raalli
69. Sagaallay
70. Sallaxley
71. Shabeelle
72. Taalla
73. Taallo
74. Tabeelle
75. Talantaalli
76. Tallaabo
77. Tallaagad
78. Tallaal
79. Tallan
80. Tallaw
81. Talligan
82. Teello
83. Teello
84. Tulli
85. Waalli
86. Wallaahi
87. Waxyeello
88. Xallinta
89. Xandulle
90. Xasillooni
91. Xilli
Galladduna waxay saaran tahay, wax isu geyngeyn (Hadraawi)
W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!