Xafiisyadee Ayaa Lagu Bartilmaameedsaday Baadhista Musuq Maasuq Ee Hanti Dhawraha Guud Ka Bilaabay Wasaarada Waxbarashada?

0
Monday April 29, 2019 - 12:47:15 in News by
  • Visits: 2313
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xafiisyadee Ayaa Lagu Bartilmaameedsaday Baadhista Musuq Maasuq Ee Hanti Dhawraha Guud Ka Bilaabay Wasaarada Waxbarashada?

    Xafiisyadee Ayaa Lagu Bartilmaameedsaday Baadhista Musuq Maasuq Ee Hanti Dhawraha Guud Ka Bilaabay Wasaarada Waxbarashada?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xafiisyadee Ayaa Lagu Bartilmaameedsaday Baadhista Musuq Maasuq Ee Hanti Dhawraha Guud Ka Bilaabay Wasaarada Waxbarashada?


Hargeysa(HWN):-Hanti dhawraha guud ee qaranka ayaa baadhis la xidhiidha musuq maasuq ka bilaabay wasaarada waxbarashada iyo sayniska somaliland oo ka mid ah hay’addaha ugu muhiimsan dalka.

Image result for wasaarada waxbarashada somaliland


Hanti dhawrka oo maalmihii ugu dambeeyeyba waday baadhis musuq maasuq oo ka dhan ah xafiisyada kala duwan ee wasaarada waxbarashada iyo sayniska ayaa warar hordhac ah oo laga helay ay sheegayaan inay baadhistooda awooda ku saareen xafiiska maamulka iyo lacagta ee wasaarada oo ay ka qaateen xogo ku saabsan nidaamka maaliyadeed ee wasaaradu isticmaasho.


Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in xafiisyada musuq maasuqa loo tuhunsan yahay ee hanti dhawraha guud baadhistiisa ku beegsaday uu ka mid ah xafiiska maamulka iyo lacagta ee waaxda tacliinta sare, kaas oo tuhunada hanti dhawrku galay.


sidoo kale wararka ayaa sheegaya in baadhista hanti dhawraha guud ka bilaabay wasaarada waxbarashada uu sidoo kale dabagal ku hayo xafiisyada wasiirka iyo agaasimaha guud, kuwaas oo leh saxeexyada ay ku baxaan kharashadaadka wasaaradu.


Wasaarada waxbarashada iyo sayniska somaliland oo dadka qaar ay tilmaamaan in musuq maasuq ka jiro ayaa la dhawrayaa natiijada uu soo saaro hanti dhawraha guud ee qaranku iyo qaabka uu u maareeyo baadhistiisa.


Wasaarada waxbarashada iyo sayniska oo ka mid ah wasaaradaha ugu muhiimsan dalka ayaa mar kasta mudan in laga ilaaliyo musuq maasuqa, iyada oo hadii musuq ka dhacana uu toos u saamaynayo mustaqbalka dambe ee dalka maadaama oo ay gacanta ku hayso da’ yarta somaliland ee ardayda ah.


Masuuq maasuq ay ku kacaan masuuliyiinta ugu saraysa wasaarada waxbarashada somaliland ayaa da’yarta wadanka saamayn kara marka uu iskaga soo gudbo agaasime waaxeedyada, gudoomiyeyaasha waxbarashada gobolada, maamulayaasha dugsiyada,macalimiinta iyo ardayda oo uu ugu dambayn gaadhayo.


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...