Madaxwayne Farmaajo Oo Loo Soo Jeediyay In Uu Iscasilo

0
Friday December 25, 2020 - 09:57:52 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1675
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Farmaajo Oo Loo Soo Jeediyay In Uu Iscasilo

    "Waxaa uu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay Soomaaliya Gedo ay diyaarado ku geysay ciidamo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaa uu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay Soomaaliya Gedo ay diyaarado ku geysay ciidamo"

Muqidisho (HWN) Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur  (Janan) ayaa usoo jeediyay madaxwaynaha Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo inuu iscasilo oo kursiga Baneeyo.

 

Hadalkan ayuu Wasiir Janan ka sheegay mar uu ciidamo kula hadlayay duleedka degmada Baladxaawo.

 

"Farmaajo ilma adeer baan nahay waxaan kula talinayaa in uu is casilo oo dalka dhaafo qaatana talada musharixiinta in dalka laga qabtana kaalin ayaan ka qaadanayaa aniga iyo ciidankeyga” ayuu yidhi wasiir Janan.

 

Waxaa uu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya degmooyinka gobolka Gedo ay diyaarado ku geysay ciidamo ay sheegtay in ay yihiin kuwo la dagaallamaya Kenya laakiin u jeedada laga leeyahay ay tahay in lagu cabudhiyo shacabka Gedo.

 


Loading...
Loading...