Jidhkeeduu Ku Maqanyahay Iyadna Jeebkiisa. W/Q: C/raxmaan Hayaan

0
Monday April 29, 2019 - 10:06:29 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1400
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jidhkeeduu Ku Maqanyahay Iyadna Jeebkiisa. W/Q: C/raxmaan Hayaan

    Dusha marka laga eego laba qof oo iska jecel waligay maan arag, oo isaga naxariis baan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dusha marka laga eego laba qof oo iska jecel waligay maan arag, oo isaga naxariis baan, haddana markaad hoos ugu dhaadhacdo kalgacalkoodu waa mid aan xidhiidh adag ku dhisnayn, waayo daqiiqad kasta waa ay isku dhici karaan, iyaga oo isku af dhaafaya wax aad u basiida. Mid kastaaba ka kale afkiisa uun buu u fiirsanayaa waxa ka soo baxa, erayada ayuu kala shiilayaa, waxa uu u arko in ay liidnimo ku tahay ama dan laga leeyahayna isla daqiiqaddaasuu ka jawaabayaa.



Isagu waxa uu sheekada dumarka bartay isaga oo aan wali qaan gaadhin, sababtuna waxay ahayd waxa uu isaga oo yar la saaxiibay rag ka waaweyn oo wax walba ka sheekaysan jiray, markii danbena waxa u saamaxay moobil nooca waaweyn ah oo aabbihii u soo iibiyay, inuu wixii uu maqli jiray oo dhan ka arko.


Iyaduna dugsigii waxbarashada ba waxay uga hadhay, iyada oo aanay waxbarashada isku fiicnayn, iyo hablo ay isku barteeen Aglasta(private-ka) oo u sheegay in iyagu aanay iskuul dhigan, waa horena isaga baxeen awgeed. Waxa ay u sheegeen hadal macnihiisu yahay dugsiga waxa dhigta uun ciyaalka yaryare, ma inan yar baad tahay adigu, sidaasay uga faraxalatay dugsigiina, oo maalin danbe laguma arag. Haddaba inkasta oo xilligii iskuulka wakhti badani ka danbeeyay, aglastana ay maaddooyin kala duwan ka dhigatay, haddana wali galabtii way baxdaa uun, iyada oo buug sidata, waalidkana u sheegaysa inay wax dhigato.


Galab iyada oo soo rawaxday ayay iyada oo hablo la hadlaysa oo sii maca salaamaynaysa, siina jeedda isku dheceen isaga oo isna meel ku maqan. Raalli ahow iyo walaal dhib maleh ayay isku dhaafeen. Haddana maalintii danbe ayay isla halkii iskaga soo hor baxeen, illeyn waa meel Ilaahay wax ka wadee, waanay isa salaameen. Sheekada ugu weyni haddaba halkanay ka bilaabmaysaa, hadda dadka waa isaga duwanyihiin waayo laba jeer ayaaa iska hor yimaaddeen oo mid ka mid ah ay isku dheceen. Isku dhacaasi waxa uu si toos ah isugu baddalay is barasho.


Maalin danbe oo ay waaweynaadeen ayaa ay ku kulemeen xaflad jaamacadda lagu qabtay, waxay iska ahaayeen dad si fiican isku garanaya, markii ay isha isku dhufteen waa ay dhoolla caddaysay isaguna dibnaha ayaa uu yar kala qaaday. Sidii baa laysku bartay. Muddo markii ay ka so wareegtay ayaa uu shaqo helay ninkii waxa walibana waa ay is baddaleen; dadkiisii, meelihii uu fadhiisan jiray, halkuu mari jiray iwm.


Markii uu jeebkiisu yar qoyay ayuu doonay haasaawe iyo hablo uu la sheekaysto, haddaba illeyn iyaba waa yaabe intuu mashquulsanaa dadkii way kala xidhiidh furteen, waa adduunyo iyo caadkeede. Markii uu maskaxda ka shaqaysiiyayna waxa ku soo dhacday iyada lafteedii. Waxa uu garaacay telefoonkeedii, markiiba waa ay ka qabatay, iyada oo ku sigatay inay nambarkaba garan weydo. Balse makii ay codkiisa maqashay ayay telefoonkii iyo codkii soo wada boodeen inuu hebel ahaa.


Waa uu salaamay, salaam kadibna si fiican bay wax badan iskaga waraysteen. Laakiin hadda xaaladda ay iyadu ku jirtaa tii hore maaha, isagana waynnaga soo sheegnay. Waxa ay gashay xaalad gashaantinnimo oo ay raga aad u qadariso una soo dhawayso ninka la hadla ama salaama yaanu waxbaba ka doonin bee, halka markii hore ay ka la hadlaba huruuf iyo jikaar iskugu dari jirtay, maadaama oo aanay guuriyo warkiiba diyaar u ahayn oo ay inan yar ahayd, inkasta oo ragga caqligoodu arkayay uun jidhkeedan kii inanta ah.


Telefoonkii si fiican bay iskaga fahmeen waxaanay u ekaayeen inay labadooduba muujiyeen qaan gaadhnimo ay si aan midna is difaac ku jirin u wada hadlayaan iyo isa soo dhawayn u eg inay rajo iska leeyihiin ay mustaqbal wadaagi karaan. Markii hadalkii isku dubba dhacay, waxa ay dareentay in ninkani doonayo inuu mustaqbal la wadaago. Waxa ay ku ballameen hudheel kuwa magaalada ugu horreeya ah bal si ay wax badan iskula jeexjeexaan oo iskugu warramaan, halkaana mid waliba ka ogaado halka uu mid waliba taaganyahay. Markii ay isku yimaaddeen waxa ay iska waraysteen mid waliba waayaha nolosha iyo waxa uu ku noolyahay, muddo markii sheekadu kobla dhinac ula kacaysay waxa uu markii danbe si dadban ugu sheegay inuu shaqo fiican baryahaaba ka shaqaynayay. Waxay jawaab u heshay su’aal ay goorahaaba is weyddiinaysay oo salka ku haysay is baddalka ninkan ku dhacay iyo muuqaalkiisa qurxoon ee aan kii hore u dhawayn. Maansha Allah ayay ugu hal celisay iyada oo u jeedda in hammigeedii badh ka mid ahi rumoobay. Habeenkaa markii ay kala tageen, waxa intii ay hurudday oo dhan maskaxdeeda sida maayadda danabka u dhex marayay, ku soo noqnoqnayay oo ay sawiranaysay iyada oo ninkaa ay is heleen oo dhaqaale badan oo nolosheeda ay ku kabtana ka heshay.


Wax waliba waa niyadda’e isaga waxa habeenkii oo dhan uu la yaabbanaa oo aan mar qudha dubaaqiisa ka maqnaan sida ay inantii uu ogaa naagta u noqotay oo u isugu baddashay shabbad isku tumatay muqaaalkeeda lagu hamuumayo oo ishuna halacsnayso. Waxa hor imanayay hummaag ah inuu mar uun jidhkeeda gaadho. Dumaroow ogaada rag badani maka ay idinku maqanyihiin ujeeddadooda ugu weyni waa taas uun waxa kale oo ka danbeeyaa ma jiro.


Iyada intaa hore waxa u dheeraa, maadaama oo ay noqotay inan weyn oo da’dii guurka badhtanka kaga jirta, reerkooduna aanu dhaqaale badan oo uu u huro haysan, waxa ay aad ugu baahantahay dhaqaale ay mar walba isku qurxiso oo ragga ku soo jiidato si aanay ishu uga leexan, illeyn raggu waa shalmad raace. Iyo udgoonkeeda ay indha sarcaadka ugu dhigayso.Hadda haddaba dhib kalaa soo baxday, dhibtaasina waxa ay tahay, inkasta oo ninkan ay lacagtiisa ay rajaynayso, haddana dhowr jeer oo uu tilifoonka kala soo hadlay waxa ay ka biyo diidday sida uu ula hadlo , waxaanay ka dareentay inuu yahay nin diktatoor ah oo qallafsan oo haddal taagtaagan, waxaanay shaki la’aan is qancisay in aanay is qabanayn, sababta oo ah iyada lafteedu waa naag ay reerkoodu madax adayggeeda ka yaabeen oo meesha ay qabsato loo jaro, horaa loo yidhi saddex isma qabtaan(Nin quud jecel iyo mid aan u quudhin, nin qosol badan iyo nin qoonsimaad badan, nin qab weyn iyo nin aan u qabin) .Haddana iyada oo ay sidaa tahay waxay goosatay inay ninkan raaxeeye u saarto si ay bal wax uun uga hesho, oo daneheeda ku gaadho, iyada oo nafteedana ka ilaashanaysa doobkan soo haliilaya.


Dhankiisa inkasta oo uu guur doon yahay, wali haddana diyaar ma aha, waayo dhawaan uun buu shaqada helay, sidaa daraaddeed reerkodii buu horta yar qoynayaa inta aanu naag iyo waxba isku qaadin, balse hadda sababta ugu weyn ee uu ula hadlayaa waa uun inuu jidhkeeda gaadho oo gacanta saaro. Bal waatane haddaba mid waliba hoos buu go’aan u soo gaadhay ka kale aanu la ogayne ka tali.


Mar Alla marka ay isku yimaaddaan waxa ay ka shaqaysiinaysaa maskaxda sidii ay wax uun uga lux luxi lahayd, isaguna waxa uu xooggiisa iyo xiniinyihiisaba isugu geeyaa sidii uu u gaadhi lahaa jidhka gashaantidan isku tumatay.


Maalmihii hore markuu dareemay niyaddeeda iyo sida ay ugu weyntahay inay wax ka hesho, inkasta oo aanay afka soo marin, waxa uu siiyay wax aan badnayn si uu bal ugu tijaabiyo inay soo dhawaato, hase ahaatee iyada oo dardaarankii wadata ay hooyadeed siisay markii ay yarayd ee ay foodlayda ahayd, kaasi oo ahaa inaanay nin aan guursanayn dhixirka u furin, iyo kii kale ahaa waligaa ogoow( rag damac iyo dacar midna kama dhammaado) ayaa ay ka gaws adaygtay. Rajadiisiina sidaasay ku noqotay col biyo dhaanshay iyo dhaan dabaggaalle iyo dhays bakayle.Waxa ay haddana iyadu keentay qorshe kale oo ay lacag kaga furato, waxa ay alliftay sheeko odhanaysa in hooyadeed xanuunsanayso oo ay u baahantahay lacag ay gaadhi ugu kirayso dhakhtarkana ku geyso, isna waxbuu dareemaye waxa uu ugu af celiyay, waayee aynu isku nimaadno, waxa ay ugu jawaabtay, marka aan hooyo dhakhtarka geeyo ayaan kuu imanayaa ee ii soo dir . Isna warkii iska fahan, xaalku waxa uu marayaa laba biyo hoostood isku hirdidya Ilaahay uun baa og. Markii ay muddo arrimo noocaas oo kale ahi dhex mareen ee mid waliba madixiisa dhan u giijinayay ayay habeenkii danbe waxaan macno lahay isku af dhaafeen, sidaan ku kala hadheen in kasta oo marka horeba aanu xadhig adagi iskugu xidhnayn.


C/raxmaan Hayaan

[email protected]

Hargeisa, Somaliland.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...