Ma Ku Waydaarshay Karkaarka Keliggi Taliyaha Jabuuti ( Abdi-Shotaly).

0
Thursday December 24, 2020 - 15:33:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1681
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Ma Ku Waydaarshay Karkaarka Keliggi Taliyaha Jabuuti ( Abdi-Shotaly).

    N.B Duligaad Is Badaa Gadaal Buu ku Dabraa!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

N.B Duligaad Is Badaa Gadaal Buu ku Dabraa!

 Waxa kaste oo u dhaca Somaliland waxa ka mansuul ah Askarigga " Raggii ma adigaa a hadhay iyo inta ku xeeran" Oo ah daaquud-yadda uu ka soo xushay beel kasta, mana kala taqaano nacab iyo nasteexa-deedda, waa cid walba u jabto, waxay is hoos dhigtaa, oo ay aamintaa kii gondaha jaraayey. Kii askarta " -Xaafa-tooyadu" Waa kuu kolba u sii qaadaayey tobanka joog ee muqmadda ahe, ee uu isku dhedhe-jinaayey asakriga dhegaha xidhani ( Waa Ina Geelle Basalka Jabuutiye), ee uu lahaa waa ii seedi, boqnaha ma jaray, oo ma yahay ka deldelaaya isaga laf-tiisa waa askariga'e, horaa lo yidhi " Nacab Gacal ha ka dhigan, Xidid-na ha moodin" waxan idiin sheegayaa, in uu yahay keliggii taliyaha Jabuuti ka aduunka kuugu neceb, ee haduu heli karaayo dhulka kuu goyn laahaa, ee somaliland-ba badda ku dari lahaa. Asba ka lagu guur ma qabo, oo waa kaynu ogayn askari-guye, haduu naf leeyahay isba muu hoos geleen, oo ka muu dhigteen saaxiib. lase yaabi-maayo, oo waynu naqaanaa waxa uu yahay iyo sidda ay maskax-diisu u fekerto. Idin-ba waad ka war qabtaan, shirkii Jabuuti, ee ay isugu yimaadeen intii kuug necbayd aduunku, ee aan rabin in ay arkaan Somaliland oo xor ah, kuwaas oo ay hor mood ka ahayd Jabuuti, kuna xigto Itooboiya. Ina Geelle Basal, markii uu uurka weyn ku tiiryey " Muqmaddii" Fadhakh-fadhakh-dda loogu geeyey, hubsiimo la'aanta, waalidda iyo xidid baanu nahay, aanay wax-ba ka jirin. Waa kaas geedka ku xidhay Somaliland, odhaah baa ahayd " Dhubuq-dhubuq hore dhabana hays dambe bay leedahay" ee hadaba waa kaas hoobaaq-dda kugu sii ridaye xejista , askari-guna wuu kula socdaye ha ka soo maallo hadeer.

 

Horaa loo yidhi " Duligaad is badaa gadaal buu ku dabraaye, inaga baa isugu wacan, mar-kaynu  dad moodnay " Raggii ma adigaa ka hadhay" Muwaadin, ilaa iyo weliggii iyo allihii-ba wuxu rabay in ay mar soo gasho gacan-tiisa Somaliland, oo uu dabeed sidda hadhuudh midxin la mariyey uu u ridqo, waxana u suuro geliyey " Raggii ma adigaa ka hadhay" Oo wuxu meesha-ba u yimi ay ahayd ka xoogso, inta aad isku dirto, ka dhex faa'iidayso. Laga soo bilaabo 18/May/1991, wuxu keliggii taliyaha " Ina Geelle Basal" ku fekeri jirey sidaad u wanjashaa Somaliland, kun jeerna wuu isku deyey, in uu afarta taayir-ba ka ban-jariyo, laakiin wuxu ka liqi kari waayey afartii Madax-weyne ee kala ahaa:-

 

(1) /Mujaahid/Madax-weyne Abdirahman Ahmed Ali (Ihun)

(2) Madax-Weyne M.I.Egal (Ihun).

(3) Madax-Weyne Daahir Riyaale Kahin ( Illaah caafimaadka ha u dheereeyee) 

(4) Mujaahid/Madax-Weyne Ahmed Mohamed Siilaanyo ( Rabbi Caafimaad ha siiyo'e. 

 

Akhristaw wakhti-gaas ay hayeen  Madax-dda sare ku taalaa, Ina Geelle Basal wuu ku guul daraystay, oo way u hir-geli waday, wixii uu islahaa ha kuu fushado. Wuxuu kolba weji been ah iyo is-yeel-yeel is yidhaaho ku khalad-ba, wax-ba way uga socon waayeen, waanu ku saaqiday, sababta oo ahayd, Rag yaqaana wuxu yahay iyo ujeedadda uu leeyahay bay ahaayeen, dalka iyo dad-kana ka naxaaya, kani-se ka shaqayso mooyee xaal kale waa ka bes, kii wax kuu dhiibana ka qaado, buu kursiga-ba u boobay, ilayn wax kale-ba uma uu iman meesha'e. Isma dhaamaan oo laba keli-good taliye weeyee, Kan Jabuuti hor boodaa, dhawr jeer buu isku deyey in uu goosto, oo weliba xoog ku muquun-sado " Gobolka Salal" ee magaalo Madax-diisu tahay "Saylac" laakiin way u mari wayday, oo khasab bay ku noqotay in uu candhuuf-tiisa uu dib uga liqo. Markuu arkay in aanu ka cunayn Madax-dda aan xagga hore ku magacaabay.  Akhtistaw kanse wuu u soo qoslaa, oo wax uu iskaga tirinayo baan jirin-ba. Waayo wuxu og yahay, in uu xoolo urursi uun yahay, wax kasta-na uu uga saxeexan karo sidda uu rabo. Xataa madax-ddii hore waxay diideen, in shir loogu qabto Somaliland iyo Somaliya Jabuuti. Xuduuda-na dhawr jeer bay ka xidheen, Kani-se mid geeriddii Nebiga og maaha (CSW). Isaga baabu ka xidhaa xadka markuu doono, halkii laga bari jirey raggii hore ee Madax-dda dalka soo maray, waxana loogu yeedhaa farta. Waxad ogay-deen shirkii kan ka horeeyey ee la isi soo hor fadhiisiyey kan Mareexaan ee hor joogaha ka ah Somaliya iyo Raggii ma adigaa ka hadhay, ee halkii wax kale laga filaayey, uu askarigu la shir tegay, baryo iyo noo fasax dhaqaalaha aad naga xanibtay, halkii ay raggii hore geed iskaga xidheen, ee uu aduunku toos inoola macaamili jirey, imika askariga waxa loo soo mariyaa, oo ka wakiil ah kaa " Mareexaan" ee kunka jeer ka xun af-laharkii adeerka u ahaa " Af-Weyne".

 Waa-se nasiib daro, aynu inaku isugu wacan nahay, in uu kaas waalani ina hor boodo, oo magaceena ku shaqaysto.

 

* N.B Duligaad Is Badaa Gadaal Buu ku Dabraa!

Qore :- Abdi-Shotaly.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...