Aqoon (Qodobka 8aad Ee Guusha)

0
Monday April 29, 2019 - 10:01:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1561
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqoon (Qodobka 8aad Ee Guusha)

    Aqoon sidoo kale loo yaqaano Cilmi waa habka ama nidaamka waxbarasho ee qof ama xayawaan lagu barayo ama lagu fahansiinayo wax aanu aqoon u lahayn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqoon sidoo kale loo yaqaano Cilmi waa habka ama nidaamka waxbarasho ee qof ama xayawaan lagu barayo ama lagu fahansiinayo wax aanu aqoon u lahayn.
Markaan tix-raacno Af-Soomaaliga saxda ah ereyga Aqoon ayaa ah kalmada ugu haboon isticmaalka, halka ereyga Cilmi tahay mid af-Carabi ah.


Aqoontu waa asaaska nolosha iyo kobaca qof nimada iyo hagaha nolol wanaagsan oo waxtar leh waana furaha iyo fahanka nolol ku dhisan xadaarad iyo xamaasad aan kala go’ lahayn.



Aqoontu waa habka aad u ku ogaan karto xaqiiqada iyo xaalada dhabta ah ee taagan, aqoontu waa habka aad ku kala saari kartid saxa iyo khaladka, aqoontu waa habka aad wax u baadhi kartid kuna ogaan kartid xaqiiqda, aqoontu waa habka aad dhibaato taagan ku xalin kartid , aqoontu waa habka aad kuheli kartid aqoon iyo waayo aragnimo kaa dhiman, aqoontu waa is badal nololeed oo aad ka samaysay naftaada , aqoontu waa habka aad daaha kaga rogi kartid wax kaa qarsoonaa, kaas oo aad doonaysid inaad wax ku qabsatid, aqoontu waa habka aad wax qaldan ku badali kartid kuna sixi kartid.


Aqoontu waa ay balaadhan tahay, mana jirto shay kaliya oo la bartaa, mana jirto qaab kaliya oo wax loo bartaa , aqoontu waa ay badan tahay, siyaabo kala duwana waa loo bartaa, loona maraa , waxaanay leedahay wadooyin iyo sharciyo gaara oo lagu barto.


In wax la baadhaa waa aqoon la helay, in wax la xaliyaana waa aqoon la adeegsaday, aqoontu waa habka maanta heerkasta oo jira ina soo gaadhsiisay, waa habka iyo kala dambaynta, haday dawlad tahay, haayad tahay, shirkad tahay, ama shaqsiyaad tahayba lagu kala socdo.


waxa aynu iskuul u aadna, jaamacad u aadnaa, malcaamad iyo maxadba u aadnaa inaynu helno aqoon kala duwan, oo aynu nafteeda, dadkeena, dawladeena iyo cidkasta ku maamulno uguna adeegno.


aqoon in la helaa maaha wax fudud waxaanay u baahan tahay:

o Wakhti.

o Dhaqaale.

o Samir.

o Dadaal iyo dacadnimo.

o Karti iyo tamar.

o Iyo maskax soo jeeda.


Sida aynu wada ognahay ama kawada dharag sanahay waxaa baryahan danbe aad u maqalnaa in bulshadu kala saarto aqoonta iyado leh marka ay cabir meel ka qadanayso aqoontaasi waa aqoon diini amaba waa aqoon maadi iyado la kala saarayo sidey doonto ha ahaate inagu waxaynu u baahanahay bulsho ahaan qof leh aqoon diini oo cad iyo aqoon maadi o ka tacaluqda maadiga sida TECHNOLOGYGA ENGINEERINKA GANACSIGA IYO WALIBA AQOONTA DHAKHTARNIMADA uma baahnin qof leh kaliya aqoon maadi si lamida waxaynu rabnaa oo radinaynaa qof leh aqoon diined o ku darsada aqoon maadi si aynu u noqono dad meel walba ka dheeli tiran dhinacaad egtidba si aynu ula tartan dadka aduunka e manta jooga.


Aniga oo so xiganaaya hogaamiyaha saamaynta badan ee MAHAATIR MAXAMED isaga oo maalin khudbadenaaya ayu waxa u yidhi waxa aynu u baahanahay wadaad ama sheikh yaqaan culuuumta kale ee maadiga ah hadalkaasi waxa u inoo cadenayaa in aynu noqono dad ugu horayn iska dhisa diinta si aynaan ugu dhex lumin aduunka isla marka xigana dhex gala aqoonta maadiga ah.


Aqoonta waxa aynu ka bilaabna isla marka aynu nimaadno aduunka garashada iyo jiritaanka ILAAHAY(سبحانه وتعالى) Iyo waliba barashada nabi maxamed(صلى الله علىيه وسلم) iyo in uu jiro aduun hore o ay sharecada gadhsiyeen nabiyo iyo rasuul iyo jiritaanka ummado leh xeerara dabeeto waxa aynu dhex qaadna barashada cilmiga diinta sida qur’aanka kariimka ah iyo xadiisanta rasuulka(SCW) iyo hadhow u sii dhax galo aduunka iyo aqoonta ku dheehan.


Aqooni maxay inoo suurta galin kartaa?

oGarashada ilaahayiyo raacida nabi maxamed(scw)

oIn aad inta aad noshahay ku nolatid nolol wanaagsan o wax tar leh

oIn aad nolosha danbe ka badbaadid naar hadi aad aqoontad baratay rabigaa ku cabudid.

oIn jahliga iyo indheer garasho la’aanta ka baxdid.

oIn aad noqotid inta aad noshahay qof fariid ah oo fiiro dheer.

oIn aad si fiican oo fudud ku gulaysatid if iyo khiraba.

Ugu danbayn naftayda iyo nafahiinaba waxaan kula talinayaa in aynu noqono dad aqoon leh si aynu si fudud o faridnimo leh ugu guulaysano if iyo akhiraba.


Alla mahad leh alla mahad leh alla mahad leh

By: Mohammed Adam Hassan

Engineer Developer Researcher And Politician.

E-mail: [email protected]

Tell: 0634394700

( isbaddel ka bilaabmay shakhsi isla markaana u xuub siibtey bulsho dhan si ay u noqdaan Hormuudkii Horumarka Ee dunidan aynu ku noolnahay )


AFRICA NEVER GIVE UP

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...