Hiigsigii Iyo Himiladii Fogayd: Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar. Qormadii: 8aad

0
Thursday December 24, 2020 - 10:40:17 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 911
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hiigsigii Iyo Himiladii Fogayd: Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar. Qormadii: 8aad

    Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

Weli waxaynu ku jirnaa qormooyinkii aan xuska iyo xusuustaba uga dhigayay saaxiib igu dheeraa, ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Somalilandna qiimo iyo qaddarin gaar ah ku lahaa. Shamac u huray in dadkiisa dowga u iftiimiyo, is-na ku hurushoobo.



Qormooyinkiisii xiisaha iyo xadantadaba lahaa aan u noqdo. Waa Qormadii taariikhiga ahayd ee ka hadlaysay doorashadii lagu wada guulaystay ee 26kii Juun, 2010kii lagu soo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu qoray dhakhtarkeennii caalimka ahaa:


"Cinwaanka Qormadan waxaan ka soo xigtay buuggii Lewis Carol ee ‘Alice in Wonderland’, oo ahaa buug xikmad iyo dhacdooyin lama-filaan ahba cokanaa.Sheekada Somaliland waxay u eg tahay riyo.Halkan waxa kuu yaal dawlad aan la aqoonsan oo ku barbaarinaysa nooca dimuqraadiyaddeeda badhtamaha waayo aan maamul wanaagga kobcinayn sida Somalia, Djibouti, Ethiopia, Yemen, Eretria, Sudan, iyo Saudi Arabia. Liiskaasina kumanyaal meyl ayuu u soconayaa bari ilaa galbeed, woqooyiga ilaa koonfurta. Qof kastaaba immika iyo mar danbeba waa in uu is-qanjiidhiyaa si uu u xaqiiqsado in Somaliland jirto oo aanay doorashadan xaqa iyo xalaashaba ahayd noqon karin wax riyo ah.


Sida ay ku dhawaaqeen Guddida Doorashooyinka Qaranka ee qiimaynta mudan ee madaxa bannaani (GDQ), natiijooyinkii doorashadii la qabtay 26kii Juun, 2010kii waxay muujisay in Axmed Siilaanyo oo hoggaaminayay Xisbiga Kulmiye kaga helay tartamihii u xigay aqlabiyad muuqata oo ahayd 16%, kaas oo markaa ahaa Madaxweyne Daahir Ra’yaale kaahin oo hoggaaminayay Xisbiga UDUB. Jilaaga saddexaad ee riwaayaddii doorashada oo ahaa Feysal Cali Waraabe oo Xisbiga UCID hoggaaminayay meel danbe ayuu ka galay tartanka oo labadaba waa uu ka danbeeyay.


Intani waxay ahayd hordhac, bal se doorashadii sheeko kale ayay inoo marinaysaa.”

Haye, bal ka warrama dhakhtarkedennii miyirka iyo maankaba dhayi jiray. Balk ka warrama caalimkeennii nafsaaniga ahaa ee dadka dhimirka wax ka qaba daweyn jiray. Ma mooddaan in aad immikana akhrisanaysaan sheeko xariiradii qalin-maalka tanaaday ee qoraalka ku tamashleeya. Bal ka warrama Qalinka Dr. Cabdishakuur! Da’ soo kacaysa oo soo socota ayuu u ahaa naamuunad ka soo hor martay oo malahayga xayaysiisba u ahayd. Aan idhaahdo Ilaahay ku jannee.


Qormooyinkan ku saabsan Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar waxay igu yihiin run ahaantii gole-ka-fuul oo galab kasta ama maalin walba Qormada berri soo baxaysa ayaan qoraa, aniga oo weliba raad-raac iyo tix-raacba u raadinaya. Dad baan tilifoonno u diraa ama odeygeenna guunka ah ee ‘Google’ ayaan inta badan wax weidiiyaa, is-na ima hagrado oo hawsha aan idiin hayo waa uu ka dheregsan yahay. Marka ay Qormooyinkani dhammaadaan ayaan dib u nakhtiimi doonaauna tifaf-tiri doonaa si aan u qabyo-tiro Qormooyin aan muquuno uga dhigayo saaxiib aanu halgan-wadaag ahayn oo aad iigu dheeraa.


Maxaynu haynay? Haa……Somaliland: "Tartankii wuu dhammaaday, qof kastaana wuu guulaystay”

Waa halka ay laxduba u dhimatay. Dr. Cabdishakuur wuxu inoo sheegayaa in la tartamay oo haddana la wada guulaystay. Waa marka dal iyo dadba la guulaysto ee cidiba wax qaadato ama dhinacba u badiso. Waa kooxo kubbad ciyaarayay oo kale. Intaas oo abaal-marin ah ayaa la bixiyaa oo cidina ma qaddo. Aan ku noqdo Digtoorkii qoraaga noqday ee qalinkiisa malabku ka dhibcayay, sida mindidiisii caafimaadku uga dhibcayay. Addoon Ilaahay wax siiyay ayuu ahaa.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...