Shiinaha oo Masar Amaahiyey Saddex Bilyan oo Doolar

0
Monday April 29, 2019 - 08:03:27 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1792
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shiinaha oo Masar Amaahiyey Saddex Bilyan oo Doolar

    Qaahira(HWN)-Masar ayaa la saxeexatay heshiis ay 3 Bilyan oo Doolar kaga soo amaahatay Baanka Wershadaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaahira(HWN)-Masar ayaa la saxeexatay heshiis ay 3 Bilyan oo Doolar kaga soo amaahatay Baanka Wershadaha iyo Ganacsiga Shiinaha ee loo yaqaanno ICBC, lacagtaasi oo lagu sameynayo Aagga Ganacsiga ee caasimadda cusub ee ay sameysanayso Masar.



Wasiirka Guriyeynta MasarMr. Assem El-Gazzar ayaa Axadii shalay ka qaybgalay xafladii lagu kala saxeexanayey heshiiskii deyntaas ay ku kala saxeexanayeen dawladda Masar iyo Baanka Ganacsiga iyo Wershadaha Shiinaha.

Wakiil ka socday Baanka ICBC ayaa sheegay in Masar wejiga hore la siin doono lacag dhan 834 Milyan oo Doolar.


Wasiirka Guriyeynta MasarMr. Assem El-Gazzar ayaa sheegay in deynta ay ka qaateen Shiinaha ay wejiga hore ku hirgelinayaan Toddoba Suuq oo baaxadoodu tahay 600.000 oo mitir oo ah suuqii ugu weynaa ee Afrika.


Tallaabada ay Masar deynta lacageed kaga qaadanayso Shiinaha ayaa ku soo beegmay iyadoo Madaxweynaha Masaarida Cabdifataax El-Siisi uu ka soo laabtay socdaal saddex maalmood qaatay oo uu ku tagay Shiinaha.


Hadhwanaagnews

Loading...
Loading...