Xisbiga waxaa loo sameeyay in qabiilka laga baxo, su'aashu waxay tahay sidee laysu qabad siinayaa qabiilka iyo xisbiga?W/Q Axmed Dhamays

0
Wednesday December 23, 2020 - 20:00:46 in Articles by
  • Visits: 774
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga waxaa loo sameeyay in qabiilka laga baxo, su'aashu waxay tahay sidee laysu qabad siinayaa qabiilka iyo xisbiga?W/Q Axmed Dhamays

    Xisbiga waxaa loo sameeyay in qabiilka laga baxo, su'aashu waxay tahay sidee laysu qabad siinayaa qabiilka iyo xisbiga?W/Q Axmed Dhamays

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga waxaa loo sameeyay in qabiilka laga baxo, su'aashu waxay tahay sidee laysu qabad siinayaa qabiilka iyo xisbiga?W/Q Axmed Dhamays
Image may contain: Axmed Dhamays M, standing, beard and outdoor



Way fududay, mana cusla sida laysu waafajinayaa aragtidayda.

Tusaale, qofka xildhibaan ka ah marka ugu horaysa waxaa keena qabiilkiisa, halkaa ayaa lagu soo kala reebaa dadka qabiilkaa u meteleya kursiga, intaa kadib kaadiriibta qabiilku iyagoo sida ayay xisbigii keenaan.

Xisbiga isaga oo dantiisa eegaya ayuu qofkii qabiilku isku raacay hore ka qaataa, xisbigu ma eego qofkani waxa uu yahay, waxa uu soo qabtay, waxa uu soo sameeyay, aqoontiisa, daacadnimadiisa, kartidiisa.

Xisbigu waxa uu kaliya eegtaa qofkan qabiilkiisu ma isku raacsan yihiin, sabatoo ah waxa uu rabaa waa cod kaliya.

Sirtu halakay ka qudhuntay maaha qabiilka ee waa xisbiga.

Waxay ahayd in uu kaliya xisbigu ka awood bato qabiilka, hadda awooda aan sheegayaa waa sidan. Xisbigu qofka loo keeno ha jirabo, shuruudo hamariyo, xisbiyadu hayeeshaan qawaaniin ay dadka kula saaraan, qabiilka laftiisa haku celiyaan qofkay u keenaan haduu shuruucda ka soo bixi waayo.

Asxbaatu doorkooda ha qaataan oo xildhibaanada umadda metelaya ha shaandheeyaan, dalkana haw xulaal dad aqoonleh, daacadnimoleh, taariikh saafiyana leh, intaa hayday sameeyaan hubaal waxaa iman dad dalka iyo dadka u shaqeeya.

Hadii kale asxaabtu dhooqadoodii hasii walaaqdaan, oo umadda lasoo horfadhiistaan qarniyo waxba is bedelimaayaan.

Ahmed Dhamays.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...