"Qolbuu Ku Xidhan Yahey Federaal Layidhaa Oo Furihii Ay Haystaan Maamuladu iyo Aqalka Sare" Cabdiraxmaan-faroole

0
Monday April 29, 2019 - 07:54:44 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2786
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Qolbuu Ku Xidhan Yahey Federaal Layidhaa Oo Furihii Ay Haystaan Maamuladu iyo Aqalka Sare" Cabdiraxmaan-faroole

    Garoowe(HWN)-Madaxweynihii hore ee Maamul Goboleedka Puntland islamarkaana, xiligan ah Xildhibaan katirsan Aqalka Sare ee Golaha Federaalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garoowe(HWN)-Madaxweynihii hore ee Maamul Goboleedka Puntland islamarkaana, xiligan ah Xildhibaan katirsan Aqalka Sare ee Golaha Federaalka

Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud(Faroole) ayaa wakhti xaadirkan si adag u dhaliiley Xukuumada federaalka Soomaaliya isagoo ku tilmaamey,in Maamulkaasi Qol layidhaa federraal uu Dusha kaga Qafilan yahey Furihiisana ay haystaan Maamulada iyo Aqalka Sare sida uu hadalkiisa u dhigey.



Xildhibaan Cabdiraxmaan Faroole,oo si adag u dhaliiley Maamulka Federraalka Soomaaliya ee ay Xiligan hogaaminayaan Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo,iyo Raysalwasaarihiisa Kheyre,Waxa uu dhaliishiisa u cuskadey arimo ay kamid yihiin Faragalinta Federaalku ku hayo Maamul Goboleedyadda oo ay sitoos ah u faragaliyeen Doorashooyinkii, ka dhacey si aan Doorasho xor ah oo Xalaal ahi uga dhicin,iyo Qabyadda ay caqabada ku noqdeen ee dhameystirka Dastuurka,Wax ka qabasho la,aanta dhinaca amaanka oo aaney ku guuleysan iyo Waliba faragalinta Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka sida uu hadalkiisa u dhigey.


"Dastuurkii la isku raacey ee Federraalka ahaa ee Qabyadda ahaa wadaduu ku Socdaa ma aha Wadaddii ma aha Waddo sax ah Waa qaldan yahey wax ka hagaageyna majiraan,afartii sanno ee Dawllada dhexe iyo Baarlamaanadeeda la dooreteyna Waxaa ka hadhey mudo kayar laba sanno Sanad iyo Sideed Bilood ayaa u hadhey,Wax Dastuur ah oo Maanta jirraana majiraan wixii ay soo diyaariyeena la isku raaci waa, waayo dadkii ka shaqeyn lahaa,Waxaa maqan Xubnihii Maamulada ka socon lahaa ee Gudida Farsamada kujiri lahaa oo Waxaa is hortaagey federraalka”Ayuu yidhi Faroole


Isagoo hadalkiisa sii Wattana Waxa uu yidhi "Waxaa ku xiggey amniga dalka Sidii loo Sugi lahaa Waad ogtihiin Meesha uu marrayo dhibaato badanbaa kajirta,Waxyaabaha kale ee aan kahadlayo Waxa kamid ah Waxaa la isku oggaa inaan Maamuladda la faragalin,waad ogtihiin inta meelood ee Wax ka dhaceen Koonfur Galbeed Waad ogtihiin faragaintii ka dhacdey iyo fidmada ay keentay dadkii ku dhintey iyo dadka xidhxidhan,Puntland gacangalin xoog lehbaa ka dhacdey oo Dawlladu lacag badan ku bixinaysay 21 xubnood oo Tartamaayay,anuu ma garan karo inta aan Wax la siin laakiin badidooda lacagbaa lasiiyay in la carqaladeeyo inaaney kasoo bixin Doorasho xor iyo xalaal ah Laakiin Nasiib Wanaag dadka halkani ciday rabeen ayay doorteen”Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Faroole.


Waxa kale oo Xildhibaan Faroole intaa ku darey hadalkiisa in arintii Jubaland oo ay heshiis lasoo galeen ay taagan Tahey Wali islamarkaana, aan Waxba laga fulinin markii Muqdisho la yimid


Hadalkan Cabdiraxmaan Faroole oo kusoo beegmaya Wakhti xasaasi ku ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya islamarkaana, ay xiligan leedahey Mucaarid fara badan oo Dhinaca Gudaha ah ayaa u muuqda in uu Dib usoo Cusboonaadey khilaafkii u dhexeeyay Maamulka Puntland iyo Federraalku maadaama ay isku Siyaasad yihiin sida ka muuqata hadalkiisa Madaxweyne Siciid Cabdilaahi Dani



Cabdiraxmaan Nuux Axmed(hiiraan)

Hadhwanaagnews

Email:[email protected]

Loading...
Loading...