"Muuse Biixi Oo Aan Jadwalkiisa Maamulan Karin Sidee Ayuu Dal U Maamulaa" Ajaanib Ka Calaacalay Madaarka Hargeysa

Wednesday December 23, 2020 - 14:37:29 in News by
  • Visits: 2393
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 4
  • Share via Social Media

    "Muuse Biixi Oo Aan Jadwalkiisa Maamulan Karin Sidee Ayuu Dal U Maamulaa" Ajaanib Ka Calaacalay Madaarka Hargeysa

    "Muuse Biixi Oo Aan Jadwalkiisa Maamulan Karin Sidee Ayuu Dal U Maamulaa" Ajaanib Ka Calaacalay Madaarka Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Muuse Biixi Oo Aan Jadwalkiisa Maamulan Karin Sidee Ayuu Dal U Maamulaa" Ajaanib Ka Calaacalay Madaarka Hargeysa


Hargeysa(HWN):-Muuse Biixi ayaa si jumlad ah kaligii u kiraystay diyaaradii Jabuuti Airline ee saaka timid madaarka magaalada Hargeysa oo qaadi lahayd rakaab goostay tigidhadeeda oo ku sugayey madaarka.
Image may contain: one or more people and people standing



warar ka soo baxay ayaa sheegaya in rakaabkii ay qaadi lahayd diyaarada Jabuuti Airline oo saacado badan ku sugayey madaarka Hargeysa lagu wargeliyey 7:00 subaxnimo inaanu suuragal ahayn socdaalkoodii isla markaana uu diyaaradii si gaar ah u kiraystay Muuse Biixi.

dhamaan rakaabkii ku sugnaa madaarka Hargeysa ee qorshaynayey inay raacaan diyaarada Air Jabuuti oo lahaa balamo iyo duulimaadyo kale oo aanay ka habsaami karin ayey layaab ku noqotay qorshaha Muuse Biixi kaligii ku kiraystay diyaaradii ay doonayeen inay raacaan.

mid ka mid ah shaqaalaha ajaanibka ah ee laga reebay diyaaradii Air Jabuuti ayaa laga soo xigtay inuu Muuse Biixi ku canaantay kuna eedeeyey inaanu maamulan karin jadwalkiisa kaas oo ku tiraabay " qofkan jadwalkiisa maamulan kari la' ee diyaaraddii keli ahayd ee maalinkii dalkiisa soo fadhiisanaysay afduubayaa sidee ayuu dalkan u maamulaa!".
Loading...
Loading...