Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Wajigabax Kala Kulmay Dalab Somaliland Ka Dhan Ah Oo Uu Malawi U Gudbinayey
Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Wajigabax Kala Kulmay Dalab Somaliland Ka Dhan Ah Oo Uu Malawi U Gudbinayey
Ra'iisal Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Roble ayaa cabasho uu u diraayay madaxda dawladda Malawi oo uu kaga cabanaayay booqashadii uu Wasiirka Arimaha Dibadda Malawi Hon.Eisenhower Nduwa Mkaka uu doraad ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.
![]() |
Afhayeenka Baarlamaanka Malawi Catherine Gotani Hara ayaa sheegtay in ay tahay anshax xumo xidhiidhka teleefanka ee Muqdisho ka imanaya.
Dibloomaasi u dhashay Zambia,laakiin diiday in magaciisa la sheego,sababta oo ah looma ogola in uu saxaafadda la hadlo ayaa sheegay in uu u malaynayo, in sagaal jeer uu Ra'iisal Wasaaraha Somalia uu soo wacay Baarlamaanka Malawi.
Waxa uu sheegay diploomaasiga in afar jeer ay ku dhigeen teleefanka Ra'iisal Wasaaraha Somalia,halka uu u malaynayo in shan jeer aan laga qaban telka.
Markaas ayaa Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya uu wacay wariyaha caanka ah ee Dumi Muzere.
Dumi Mzere ayaa waxa ay soo dhigtay barteeda Twitterka qoraal ay ku muujisay sida ay uga yaabtay dadka tirada badan ee ka soo hor jeeda Somaliland ay qabsadeen Twitterka, iyaga oo aflagaadaynaya wadanka Malawi.
Ra'iisal Wasaaraha Somalia ayaa u sheegay wariyaha caanka ah ee Dumi Mzere sida uu uga xunyahay talaabada ay Malawi qaaday iyo isaga oo ka cawday in Madaxweynaha Malawi Lazarus Chakwera iyo madaxda kale ee Malawi ay ku dhigeen teleefanka afar jeer.
Loading...
Loading...