Ujeedada Markab Dagaal Oo Maraykanku U Soo Diray Xeebaha Soomaaliya Oo Muqdisho Soo Gaadhay
Markabka dagaal ee diyaaradaa xambaara ee USS Makin Island ARG ee Mareykanku leeyahay ayaa soo gaaray xeebaha Soomaaliya. Hawlgal qayb ka ah daadgureynta ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya jooga ayuu qayb ka yahay, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday waaxda warfaafinta ee Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM.
Warsaxaafadeed ayaa lagu sheegay in markabkan iyo ciidamo dheeraad ah ay ku jiraan sidii ay u illaalin lahaayeen daadgureynta ciidamada si aan loogu soo sameyn qalqal hawlaha bixitaanka.
Dadka falanqeeya arrimaha amniga ayaa sheegaya in Soomaaliya ay ku sugan yihiin ciidamo badan oo ajanabi ah oo "ujeedooyin” kala duwan leh, kuwaasi oo sheegta inay dagaal kula jiraan Al Shabaab, hase yeeshee ciidankaasi oo jooga iyo kumanaan kale oo Soomaali ah ayaa wali dagaalka Shabaabku u muuqdaa mid aan soo afjarmin, sida ay qabaan xeeldheerayaasha arrimaha Soomaaliya waxaan jirin cudud iyo talis mideysan oo ciidankaasi leeyihiin.