"Waa Suuragal In Somaliland Iibsatay Booqashadii Uu Wasiirka Arimaha Debada Malawi Ku Yimid Somaliland"
Hargeysa(HWN):-xoghayaha arimaha bulshada xisbiga Waddani MaxamedSidiiq Dhamme ayaa ka hadlay safarkii indhosarcaadka ahaa ee wasiirka arimaha dibada Malawi ku yimid somaliland.
Xoghaye Dhamme ayaa sheegay inay suuragal tahay lacagta la sheegay in somaliland ku iibsatay booqashada wasiirkii arimaha dibada Malawi,qoraal uu soo saaray ayaanu xoghaye dhamme ku yidhi "Warkaa uu qoray wargayska Malawivoice.com waa suuragal marka aad eegto hoggaaminta Muuse Biixi, way caddahay in siyaadda arrimaha dibada Somaliland siqiirtay muddadi talada Kulmiye hayay. Dhaqaalaha bookhashada indho sarcaadka ah lagu soo iibsaday waxa u baahan dadka abaarahu hayaan iyo shacabka baahan."
Wargayskan uu siyaasigu soo Xigtay ayaa sheegay in somaliland lacag ku bixisay in wasiirka arimaha dibada ee Malawi tago Hargaisa.