Somaliya Oo Laga Cafiyay Dayn Lacageed Oo Dhan $69.9 million.
"Saxeexan ayaa daba socda go'aankii ka soo baxay shirkii dhacay 31-kii Maarso 2020"
Muqdisho (HWN) Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis Deyn_Cafin ah la saxeexatay Dalalka England, Denmark iyo Netherlands.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya Dr. Cabdirahman Ducaale Beyle ayaa Soomaaliya u saxeexay heshiiskan.
Saxeexan ayaa daba socda go'aankii ka soo baxay shirkii dhacay 31-kii Maarso 2020 ee Soomaaliya looga saamaxay lacag dhan 1.4 Bilyan, iyadoo heshiiska shirkaas qodob ka mid ah uu dhigayay in Soomaaliya ay dal waliba gooni ula saxeexato inta uu ka saamaxay.
Isu geynta lacagta ay saamaxeen Sadexdan Dowladood ayaa waxa ay gaadheysaa $69.9 million.
Loading...
Loading...